Araweelo News Network.

 

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xee Madaxweyne oo ku taariikhaysan 11-12-2022, kaas oo lagu shaacinayo diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee dootashooyinka aan weli la cayimin.

Qoraal kasoo baxay galabta qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu shaaciyay Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022, kaas oo uu ku meel mariyay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Nuqul ka mid ah Qoraalka oo shebekaddaha Araweelo News Network soo gaadhay, ayaa lagu yidhi, Madaxweynuhu wuxuu soo saaray Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

“Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha;

Markaan Ku qancay:  Soo jeedinta wakhtiga qabashada  Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey, In Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.” Ayaa lagu yidhi, Qoraalka kasoo qasriga Madaxtooyadda

Dhinaca kale, qoraalka laguma xusin doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada oo muran iyo khilaaf aan weli xal loo helin ka taagan yahay mida soo horaynay, maadama xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Axsaabta Mucaaradka si weyn isugu maandhaafsan yihiin labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada sida ay u kala horaynayaan,

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com