“Maanta ayaa ugu Danbaysa Malayshiyaad Magaalada Dhexjooga, Xukuumaddana…”

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xiisadda siyaasadeed ee xukuumadda iyo mucaaradka, oo maalmihii u danbeeyay cirka isku shareertay, ayaa laga sameeyay wax-xooggay heshiid xumad jebin ah oo ishaaraya ifafaale lagu dejinayo xiisaddaa oo sababtay wer-wer iyo cabsi soo waajahday Bulshada Somaliland.

La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Warancade iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Maxamed Mooge, 19 Jun 2022, Image Araweelo News Network.

Syaasiga Cali Maxamed Warancade oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana xilal ilaa heer wasiir kasoo qabtay xukuumaddihii hore iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ka hadlay dedaal ay ugu kala dab-qaadayeen xukuumadda iyo mucaaradka oo ay ku doonayeen in xaaladda kacsan iyo jawiga siyaasadeed ee cabsida ku abuuray Bulshada Somaliland, gaar ahaa kuwa ku dhaqan Caasimadda meesha laga saaro.

Labada masuul oo Axaddii maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arrimaha la xidhiidha nabadgelyada ee cabsida ku hayay bulshada, isla markaana aan maanta kaddib lagu arkayn caasimadda ciidan beeleed. “khilaafkii maalmahan jiray wuuu iska dhammaaday, maanta wixii ka danbeeyana aanay jirin sidii maalmo dhowayd la maqlayay ciidan beeleedyo lagu arki doono magaalada Hareysa.” ayuu yidhi, Cali Maxamed Warancade.

Dhinaca axsaabta mucaaardka wuxuu sheegay in madaxda axsaabata mucaaardka amaankooda ay dawladdu damaanad qaaday, “Wixii maanta ka danbeeya amniga madaxda mucaaradka dawladda ayaa balan qaaday in ay ilaaliso, wixii intaa ka danbeeyana insha Allah, waa laga faraxakanayaa oo way iska dhammaanayaa, waxaana la ilaalinayaa qaranka madax-bannaanidiisa iyo nabadgelyadiisa oo heshiis lagu yahay.” ayuu yidhi, Waran-cade

Sidoo kale, wuxuu sheegay iyadoo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka shacabka in wixii khilaaf ah meel layska dhigay, wuxuuna arrintaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sida uu xusay waxyaabahaa dhacay maalmihii lasoo dhaafay iska taagay meel qiima baddan oo masuuliyad ka muuqato.

Cali Maxamed Warancade ayaa sidoo kale uga mahad celiyay arrintaa murrshaxa xisbiga ugu weyn mucaaardka ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo sida uu sheegay kala shaqeeyay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka cakiran ee taagnaa, “Wixii hadda ka danbeeya waxaan shacabka ugu bushaaraynaynaa in aannay jirin wax fara-taag-taag ah, madaxda axsaabta mucaaradkuna aannay u baqayn nabadgelyadooda, sidaa ageed aannay jirayn ciidan beeleed danbe oo lagu arkayo magaalada Hargeysa.” ayuu ydhi.

Mat uu hadlayay Siyaasiga Cali Warancade arrimaha xudunta u ahaa khilaafka xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ee doorashooyinka, wuxuu tilmaamay in arrimaaha hawshooda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gogoshii lagaga wada hadli lahaa uu dhigay, isagoo ugu baaqay axsaabta m,ucaaradka in ay yimaadaan si wixii khaladaad ee jira faraha laysugu saaro.

Dhinaca kale, Siyaasi Cali Maxamed Warancade, wuxuu hadalkiisa ku xusay Odayaal u badnaa madax-dhaqameed, waxgarad iyo Guurti maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka labada dhinac ee miiska wadahdalka ay isgu keeni lahaayeen xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaaarad ee WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu ku amaanay dedaalkooda iyo sida ay isugu xilqaameen daminta khilaafka, isagoo rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsaha baddan loo dhammeeyo.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Maxamed Mooge, ayaa dhankiisa sheegay in ay maalmahan ka shaqaynayeen sidii amaanka magaalada loo sugi lahaa, wuxuuna tilmaanay in Madaxweynaha iyo axsaabta mucaaradka ay isla qaateen arrintaan, isagoo yidhi, “Waxaanu ku jiray sidii amaanka magalaada loo xasin lahaa ee meesha looga saari lahaa arrimaha kenaya amnidarada. Madaxda mucaaradka waxaanu isla fahanay arrimaha amaankooda, waxayna u leeyihiin xaq. qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sidii horeba uu nabadgelyadooda masuul uga ahaa ayuu uga ahaanayaa, markaa ciidamo sharci ah ayay sidii ay horeba ugu haysteen u haysanayaan.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mucaaradka ay isla qaateen oo heshiis ku yihiin in labada dhinac Madaxweynaha iyo murrshaxa ay si wanaagsan isula qaateen arrintaa oo labada dhinacba soo dhoweeyeen, sidaa awgeed wuxuu sheegay in markaa kaddib waxyaabihii kale ee sababay khilaafka laga wadahadlayo oo ay ku garab taagan yihiin Madaxdhaqameedka, Odayaasha Guurtida iyo waxgaradka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin dawlad hoose ahaan in ay doorkooda ka qaataan.

Maayar Cabdikariim, ayaa xusay in Somaliland ay caan ku tahay in khilaafka siyaasadeed ee sidan oo kale ah ay jiraan dad u tafa-xaynta, sidaa darteed ay dhankooda diyaar u yihiin wixii ay ku garab istaagayaan dedaalada la doonayo in xalka lagaga gaadho khilaafka siyaasadeed, wuxuuna si toos ah hooska uga xariiqay Maayar Cabdikariim ahmiyada ay nabadgelyadu u leedahay shacbiga Somaliland iyo in ay mar walba ahmiyada siinayaan sidii nabadgelayada loo ilaalin lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com