Wax ka Baro Dhinta iyo Noocyadooda

Araweelo News Network.

Magaca soomaaliga: #Dhikri/#Colloriye
Magaca carabiga:      #نبات_العنشط
Magaca qalaad:      #Birch_leaved_acalypha
Qoyska geedka:       #Euphorbiaceae

Dhikrigu waa geed gaab yar oo xooluhu daaqaan. Wuxuu ku suntan yahay caraf udgoon oo la dareemo marka caleemihiisa la soo gooyo ama laanta, ama loo dhowaado geedka.sidaa darteed waxaa lagu udgooneeyaa subaga xoolaha oo lagu shiilaa (Subaga Sixinta).

Geedkan farqi wayn ayaa u kala dhexeeya noocyadiisa iyo kala duwanaansho weyn marka la eego dalalka uu ka baxo. gaar ahaan wuxuu ku kala duwanaadaa xagga baaxdda iyo caraftaba. tusaale noocyadiisa ka baxa Soomaaliya waa geed yar oo gaadha ilaa 0.5 mitir dhererkiisu, halka dalalka kale uu intaas ka weynaado waxaana ugu badanaan uu gaadhaa ilaa 4 mitir dhererkiisu.

Xaga caraftana wuu ku kala duwanaadaa, markaa ka Soomaalida dhulkeeda ka baxa oo ah nooca (fruticasa) ayaa ka caraf badan ka kale ee loo yaqaano (eglandulosa) oo ah ka laga helo Ethiopia, Sudan, Kenya, Uganda, Tanzania, iyo Burundi. sidoo kale waxyaabaha geedka Soomaaliya kaga duwan yahay kuwa dalalka kale waxaa ka mid ah in caleemaha ay qaybtooda hoose mdiabka Huruuda tahay, ama leedahay bar bar ka duwan cagaarka caleenta, qaybtaasna waa ta siisa caleenta uduga ka soo kankama.

Caleemihiisu waa wax yar oo saddex gees (Triangular ovate) oo xiga ballaadh, waxayna badka caleentu gaadhaa qiyaastii 2×5.5cm. ubuxu qaybta uu ku yaallo way yara dheertahay, waxayna gaadhaa ilaa 5 cm oo dherer ah. wuxuuna ka kooban yahay geedku ubaxyo lab iyo kuwo dheddig oo waa labo-jinsiile. midho yar yar oo gas/xaad leh ayuu dhalaa, midabkooduna waa huruud, ama Jaale, dherekoodu wuxuu gaadhaa 2mm, halka balaadhkoodu uu ka yahay 3mm. waxaan ku sii dhex jira iniinyaha uu ku tarmo geedku oo ah kuwo bunni ah, oo dhumucdodoa, ama qaradoodu gaadho qiyaastii 1mmm.

Deegaan ahaan wuxuu ka baxaa buuraha iyo bannaanadaba, hase yeeshee wuxuu u dhowaadaa meelaha xeebaha ka, ag dhow, iyo dhulka dhagax-leyda ah, ugu badnaana jooga dhulku wuxuu gaadhaa 1800mitir. guud ahaan wuu ka baxaa afrika iyo Eeshiya, i yadoo ay ka mid yihiin dalalka laga helo: Soomaaliya, Djibouti, Namibia, Yemen, Saudia, Kenya, Uganda, Tanzania, iyo Burundi. Sudan, Botuswana, Burundi, , Ereteria, Malawi, Siralanka, india, Parma, Sambia, iyo Simbabwi.

Labada nooc ee uu u kala baxo dhikrigu waxay kala yihiin:


1.Acalypha_fruticosa var. fruticosa
2.Acalypha_fruticasa var.  eglandulosa Radcl._Sm
Waxaa jira hal magac oo kale oo saynis ah oo loogu yeedho dhikriga:(Ricinocarpus_fruticosus).
qaybaha guud ee dhirtana wuxuu galaa qoyska (Euphorbiaceae) oo ay ku weheliyaan dhirta ay ka mid yihiin irginta, ciinka, haadaanta, dharkeynka, dhiigtaarka, iyo qabada. Bahda dhikriga oo ah(Acalypha) waxay ku jirtaa bahaha noocyada badan, waxaana hoos yimaada kaligeed dhir gaaraysa 456 nooc.

Adeegsiga dhikriga waxaa ugu muhiimsan:


» in xooluhu daaqaan oo waliba uu Adhigu aad u jecel yahay.
» in lagu udgooneeyo oo lagu shiilo subaga si uu caraf udgoon ugu yeelo.
» cilmi baadhis iyo tijaabooyin lagu sameeyay geedka dhikriga waxaa lagu ogaaday inay ku jiraan maadooyin kiimiko ah oo fir fircoon oo wax lagu dawayn karo, isla markaasna wax ka tara oo xakameeya noocya ka mid ah bakteeriyada sababta xanuunnada qaar.
»  maadada (methanol) oo ka mid ah kuwa laga tuujin karo caleenta dhikriga ayaa dareeraheedu wuxuu xakameyn karaa ama joojin karaa dhimashada unugyada jidhka(#antioxidents), sidoo kalena xakamayn kartaa bararka jirka.
» xididkiisa haddii la kar kariyo dheecanka kasoo baxa waxaa lau daweeyaa xumadda jidhka, shubanka, cilladaha caloosha, qufaca, iyo sida la sheegay qaniinyada masaska.
» Waxaa kaloo la sheegay haddii xididkiisa lagu karsado maraq riyaad waxay wax katartaa xanuunnada beerka. sidoo kale marka malabka shinnida aad loo badsado ee la cuno calool xanuunka ka dhasha waa loo cabaa maraqaas lagu kariyay xididka geedka.
» mar marna sida caleenta shaaha ayaa loo adeegsadaa oo shaahbaa laga dhigtaa caleentiisa oo qallalan oo la tumay ama la bur buriyay.
» xididka iyo laantaba waa la calaashadaa si loogu daweeyo ilkaha/gowso xanuunka.
»  caleenta dhikriga oo la tumay intii biyo ama caano lagu daro kaddina la miiray, ayaa loo cabaa calool istaagga, weyna dhaqaajisaa caloosha. sidoo kale dheecaanka caleenta oo la shaandheeyay oo saafi ah waxaa lagu dhibciyaa indhaha, waxayna daweysaa indho xanuunka.
» Tijaabooyin lagu sameeyay shaybaarka ayaa waxaa lagu ogaaday qaniinka iyo dulnka badan oo xoolaha ku dhasha in ay ka soo raaceen daaqista geedkaas oo ay ku badan yihiin noocyo cayayaanadas ka mid ah yagoo cayayaanadu soo eegta ama soo raaca carafta iyo udgoonka geedka.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q. Abdiziz Idris

awidriis@gmail.com