Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirkaddaha Laydhka ee Somaliland, ayaa wax ka bedelay saacaddaha Laydhka, kaddib kulan ay yeesheen Guddida dhaqaalaha ee gollaha wasiirrad xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland iyo Kommishanka qaranka ee Tamarta.

Kulankaa oo sdddex geesood ahaa ayaa qoraal laga soo saaray Khamiistii lagu shaaciyay in lagu heshiiyay in shirkaddaha Laydhku marka la gaadho bisha July 20220, kordhiyaan qiimaah Laydhka halkii Unit 0.10 $, iyadoo sidoo kale lagu sheegay in marka la gaadho October qiimayn lagau samaynayo Laydhka.

Qoraal koobban oo kasoo baxay kulanka saddex geesodoka ah, ayaa lagu sheegay sidaa, balse markaa kaddib waxay saacado kaddib Ururrka ay ku bahoobeen shirkaddaha Laydhka Somaliland ee xaruntiisu tahay Magaaladda hargeysa (Somaliland Electricity Association) oo loo soo gaabiyo SEA, soo saareen qaraar kale oo wax lagaga bedelayo xilliga la helayo Laydhka.

Alt: Araweelo News

Shirkaddaha Laydhka, ayaa qoraalka danbe ku sheegay in Urur ahaan ay dhammaan dhirkaddaha laydhku isla qaateen in saacacddaha Laydhka Bulshadu heli jirtay wax laga beddelo, iyadoo halkii uu 24 saacadood laydhku shidnaan jiray lagu soo koobay 18 saacadood, isla markanaa xilliga habeenkii Laydhka la daminayo 11 habeenimo ilaa laga gaadhayo 4 subanimo. waaberihga.

Go’aanka ayay sabab uga dhigeen qiimaha shidaalka kor u socda aduunka iyo duruufaha dhaqaale ee dadka markii ay qiimeeyeen in ay ka maarmi waayeen in ay go’aankaa qaataan, waxayna qorshaha cusub bilaabayaan marka la gaadho Bisha August 2022.

Hase yeeshee go’aanka shirkaddaha ayaa si weyn dood uga dhaliyay Bulshada, iyadoo si weyn u dhaliilayaan in baddan oo ka mid ah Bulshada, isla markaana xukuumada iyo Kommishanka Qaranka ee Tamarta ayaan weli ka hadlin go’aanka shirkaddaha ee saacaddaha laydhka wax ka beddelay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com