Araweelo News Network.

Abu Dhabi (ANN)-Dawladda Imaaraadka ayaa ka hadashay Wefdiga Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la kulmay  Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta (UAE) Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo masuuliyiin kale.

Lama ogga waxyaabaha dhabta ah ee ay ka wadahadleen labada dhinac, balse warbaahinta dawladda ee laga leeyahay dalka Imaaraadka, ayaa sheegatay in Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan u sheegay Maadxweyne Xasan Sheekh in ay sii wadayaan taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay siiso dadka Soomaaliyeed, si ay u gaadhaan hammigooda horumarineed, xasillooni, barwaaqo iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo dadkooda ah.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed iyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo Arbacadii shalay ka dhacay Qasriga Al Shati, wuxuu  Al Nahyan soo dhoweeyay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimo ee dhowaan loo doortay, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa iyo ka midha dhalinta himilooyinka shacabkiisa ee ku waajahan xasilloonida, horumarka iyo nabadda.

Warbaahinta Imaaraadka, ayaa sidoo kale sheegtay in dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Imaaraadka uu ku garab taagan yahay dalkiisa, wuxuuna uga mahadceliyay dareenka diiran ee Maxamed Bin Zayed uu u muujiyay shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxa lagu xusay warkaa in kulanka labada dhinac kaga wadahadleen dardar gelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada horumarka, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada loogu jiro nabad ka dhalata Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Al Nahyan ayaa sheegay in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka taageeraan dadaallada dowlad dhisidda ee mustaqbalka, si loo gaadho nabad iyo xasillooni, isagoo carabka ku adkeeyay sida Imaaraadka ay u doonayaan inay xoojiyaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha dowladda ka wadaan dhinacyada dhismaha, horumarka iyo xasilloonida.

Sida lagu sheegay warka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in uu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya ee dhinac walba ah iyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarinta xasilloonida iyo amniga gobolka.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisu la yeesheen Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan,  waxa ku weheliyay kulanka uu la yeeshay wefdiga masuuliyiinta Imaaraadka eek ala ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada; Sheikh Hamdan bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan; Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, wasiiru dowlaha; iyo Dr. Anwar Gargash oo ah La-taliyaha dhanka diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka; oo ay weheliyaan Ali bin Hammad Al Shamsi, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Gollaha Sare ee Amniga Qaranka iyo Maxamed Axmed Al Othman, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya iyo sidoo kale wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka goob joog ka ahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com