Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ardayda Dugsiga Salaama oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay ee ugu caansan, ayaa maanta sameeyay rabshado ay ficil ahaan uga sameeyeen Iskuulkooda oo ay ku burbiriyeen agabkii Dugsiga Salaama Secondary School ee Hargeysa.

Cutubyo ka tisan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay goor danbbe, waxayna kala dareeriyeen Ardaydii, iyagoo markaa kaddib Xabsiga u taxaabay maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama iyo sidoo kale maamulka qaybta Hablaha ee dugsigaa.

Rabshadaha lagu bur-burinayo dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa ah dhacdooyin ku cusub Somaliland, waxaana toddobaadkii hore la bur-buriyay Dugsiga Nuuradiin oo ka mid ah kuwa ugu caan ee gaarka loo leeyahay, iyadoo mar keliya Ardaydii wax ka dhiganaysay si axmaqnimo ah u bur-buriyeen.

Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Ugu Caansan Somaliland Nuuradiin Schools Oo Ka Hadlay Arday Si Axmaqnimo Ah U Burburisay

Balse lama ogga in rabshadaha noocan ah ay yihiin kuwo xidhiidh ka dhexeeyo oo leh qorshayaal intaa dhaafsiisan iyo in ay yihiin kuwo ka dhashay durruufo iyo xaaladdo qarsoon oo leh ujeedooyin siyaasadeed oo la doonayo in lagu bur-buriyo horumarka dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira geyiga Somaliland.