Sawirkii Uu Ka Bixiyay Siyaasadda Dalka, Xisbiyada Hore, Ururada Cusub Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Ee Ku Dhiiriyay Inuu Ku Biiro Ururka KAAH

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Siyaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland, isla markaana ahaa xildhibaankii xukuumadda Madaxweyne u sharaxday shirguddoonka gollaha wakiillada ee loo awood sheegtay, ayaa ku biiray Urur Siyaasadeedka KAAH.

ALT: Araweelo News
Shirweynaha KAAH ee ka furmay Hargeysa, 13 September 2022, IImage Araweelo News Network.

Siyaasi Faratoon ku biiristiisa Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa si weyn u noqotay arrin cajiib ah oo aan la filayn, isla markaana waxay muujisay muuqaal siyaasadeed iyo miisaan laga dareemay maddasha shirka Ururkaa, iyadoo oo uu hoggaaminayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa ninka sida weyn uga soo horjeeday  inuu Fartoon noqdo guddoomiyaha gollaha wakiillada, isla markaana garab taagnaa xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif si uu kursiga Guddoomiyaha gollaha wakiillada ugu hubsado.

Laxidhiidha: Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Oo Sababeeyay Ka Qaybgalka Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH

“Khibradayda Siyaasiyiinta Somaliland, Ururada Furmay iyo Xisbiyada Jiray iyo mid walba Fekerkiisa Siyaasadeed iyo wuxuu damacsanyahay, ayaan ku saleeyay doorashadayda Ururka KAAH, ayuu yidhi, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland, isla markaana ahaa siyaasigii xukuumadda Madaxweyne Biixi la doonaysay shirguddoonka gollaha wakiillada ee laga adkaaday.

Xildhibaan Faratoon, oo ah siyaasi aqoonyahan ah oo kasoo jeeda gobolka Sool, waa Xildhibaanada kasoo baxay Sool ee xisbiga xukuumadda ee KULMIYE,  balse si badheedh ah ayuu uga shaaciyay maddasha shirweynaha Urur siyaasadeedka KAAH oo lagu qabtay maanta Hargeysa inuu ku biiray Ururkaa, wuxuuna tilmaamay sababaha uu go’aankaa u qaatay ee uga baxay Xisbiga KUMIYE .

“Khibradayda Siyaasiyiinta Somaliland, Ururada Furmay iyo Xisbiyada Jiray iyo mid walba Fekerkiisa Siyaasadeed iyo wuxuu damacsanyahay, ayaan ku saleeyay doorashadayda Ururka KAAH, sidaa waxa yidhi, Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo ah siyaasi rug-cadaa ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland xilligana ah xildhibaan gollaha wakiillada ah.

Siyaasiga Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu isagoo tilmaamaya sida uu ugu qancay inuu ka mid noqdo Ururka KAAH yidhi, “Waxaan u arkaa inuu KAAH yahay Ururkii Somaliland Ururin lahaa, isu keeni lahaa ee isu jiidi lahaa, midayn lahaa ee horumarkeeda meel gaadhsiin lahaa inuu yahay Ururkan KAAH,  waana sababta aan u taageeray.”

Sidoo kale, wuxuu farriin talo ah u diray dadka aan weli go’aansan in ay ku biiraan Urur siyaasadeed, ama weli ku jira in ay dhinacyada eegaan, isagoo yidhi, “waxaan tallo usoo jeedinayaa taageerayaasha haday maddasha fadhiyaan iyo haday gobollada dalka joogaan, waxaan leeyahay, haddii aad ku tashateen inaa taageertaan Ururkan, ama aydinaan ku tashan oo dhinacyada eegaysaan weli, runtii qofkii ku tashaday talo wanaagsan ayuu gaadhay, ka dhinacyada eegaya ee aan weli go’aan qaadana waxaan qabaa KAAH dalkani waa u baahanyahay maanta. In dadku xuquuqdooda  siyaasadeed helaan oo ay doortaan xisbi wax u qaban kara oo doortaan waa muhiim. Waxaan idin odhan lahaa ka qaybgala oo taageera oo sidaa u arka in xisbigani yahay Xisbi macne leh oo ujeedo ku fadhiya yahay ee aan layska taageerin.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Madasha Ururka KAAH, ku qabtay shirweynaha, ayaa noqtay mid miisaan weyn iyo diyaargaraw ka muuqday, iyadoo ay ka qaybgaleen dhammaan xubnaha shirguddoonka gollaha wakiillada iyo xildhibaanada oo in baddan oo ka mid ah ay durba qayb ka yihiin Ururka KAAH, sidoo kale waxa naddasha kasoo xaadiray Ergooyin ka kala yimi gobollada iyo deegaamada kale ee dalka, aqoonyahan, haldoor, salaadiin , siyaasiyiin iyo dhalinyaro rag iyo haween, kuwaas oo qaarkood maddasha shirka ka sheegaan mawqifkooda ka mid ahaanshaha Ururka KAAH iyo sida ay ugu qanacsan yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com