Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi Qabkee Loo Soo Dhoweeyay

Burco(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxaana deegaanka Qoyta ee Waqooyiga Burco kaga hor yimi boqolaal qof.

Masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada, oo ay weheliyaan boqolaal qof oo dadweynaha Magaaladda Burco ah, ayaa kaga hor yimi Madaxweynaha iyo wefdigiisa, kuwaa oo sitay calanka Somaliland iyo boodhadh ay ku xardheen sawirka Madaxeynaha iyo weedho ay ku qoreen soo dhowaw Madaxweyne.

Madaxweyne Biixi, ayaa markaa kaddib salaam qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka, wuxuuna  ka hadlay qaabka loo soo dhoweeyay, isagoo uga mahad celiyay soo dhowaynta ballaadhan ee lagu qaabilay.

Muuqaalkan ka Daawo.