Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadka shahaadiga sannad Dugsiyeedka 2021-2022, ee Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe iyo fasallada 4-aad ee Dugsiyada sarre ee Somaliland.

ALT" Imtixaanaadka 2021 2022
Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka oo ku dhawaaqaya Natiijadda Imtixaanaadka sannad Dugsiyeedka 2021-2022 ee Dugsiyadda Afraad iyo Siddeedaad, 15 September 2022, Image Araweelo News Network.

Munaasibadda shaacinta Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Ardayda Fasallada Afraad iyo Siddeedaad oo maanta lagu qabtay hoolka Shirarka ee xarunta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

ALT: Araweelo News Network
Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye, oo ka hadlaya Natiijadda Imtixaanaadka sannad Dugsiyeedka 2021-2022 ee Dugsiyadda Afraad iyo Siddeedaad, 15 September 2022, Image Araweelo News Network.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Daa’uud Axmed Farax ayaa munaasibadda ka akhirayay natiijada, isagoo tilmaamay sida Imtixaanaadka sannadkan uga duwantahay sannad dugsiyeedka 2021-2022, uga duwan yahay sannadihii hore.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Guddoomiye ku xigeenka xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay weheliyaan saraakiisha wasaaradda, ayaa hadalo ka jeediyay munaasibadda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaamamay qorshayaasha wasaarad ahaan iyo xafiis ahaan ku waajahan tayanta dhinaca waxbarashadda iyo daraasado ay sheegeen in la sameeyay ka hor intii aan la shaacin natiijadda.

Sidoo kale, waxay tilmaameen caqabadaha loo baahan yahay in wax laga qabto ee dhinaca Ardayda oo saamayn ku yeeshay dedaalkii loo baahnaa in ay sameeyaan Ardaydu.

Natiijadda Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe iyo fasallada 4-aad ee Dugsiyada sarre ee Somaliland iyo weedhihii ay masuuliyiintu ka jeediyeen munaasibadda halkan ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com