Araweelo News Network

Hargysa.(ANN)-Munaasibad Ballaadhan oo si weyn loo agaasimay, ayaa lagaga dhawaaqat maanta Urur Siyaasadeed cusub oo munaasibada loogu walqalay magaciiisana loo bixiyay KAAH, kaddib markii la qaybgalayaashu kala doorteen laba magac oo munaasibada lagu soo bandhigay.

Alt: Araweelo News Network
Ka qaybgalyaasha munaasibada Urur Siyaasadeedka KAAH ee lagaga dhawaaqay Hargeysa, Image Araweelo News Network, 21 july 2022

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii kalal danbeeyay iyo xildhibaano tiro baddan oo ka mid ah gollaha wakiilladda jamhuuruyadda Somaliland, ayaa madasha ka muuqday, kuwaas oo qayb ka ah aasaaska Ururka KAAH.

Sidoo kale waxa munaasibada kasoo qaybgalay ergooyin gaadhaya sideed boqol oo ka kala yimi gobollada dalka, kuwaas oo madasha cod loogu weydiiyay in ay kala dooraan laba magac oo lagu soo bandhigay madasha, kuwaas oo kala ahaa KAAH iyo Samawade, balse waxa cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah loogu codeeyay in la qaato magaca KAAH.

Dadka bud-dhiga u ahaa aasaska Ururka ayaa munaasibada ka sheegay in kala doorashada labada magac ee lasoo bandhigay ay astaan u tahay sida aasaaska Ururkani uga duwan yahay Ururadii hore , ama axsaabta aynu samaysano, waxayna ku tilmaameen mid markhaati u ah in Ururka KAAH yahay mid la wada leeyahay oo cid gaar ah u sudhnayn qoorta.

Xubnaha siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo haween aan ku cusbayn saaxaafada siyaasada ayaa madasha ka sheegay dhammaantood in ay maanta ku faraxsan yihiin aasaaska Ururka KAAH in ay goob joog ka ahaadaan, isla markaana ay garab iyo gaadhaanba la barbar joogaan.

Ka qaybgalyaasha munaasibada Urur Siyaasadeedka KAAH ee lagaga dhawaaqay Hargeysa, Image Araweelo News Network, 21 july 2022

Gunaanadkii Munasibada waxa halkaa hadalo ka jeediyay Siyaasiga Cabdullaahi Ibraahim Habane, oo hore usoo noqday Wasiirka Waxbarashadda Xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo muddo dheer kusoo jiray saaxada siyaasadda.

Siyaasiga hormoodka u ah Ururka cusub ee KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland qaabka dhismaha Ururrada iyo axsaabtu ay khaldameen sidaa awgeed ay doonayaan in Ururka KAAH oo ka faa’idaysnaya khaladaadka sababay in axsaabta cid gaar ah qoorta sudhato, ama loo nisbeeyo deegaan gaar ah uu wax ka beddelo aragtidaa,.

Maxamuud Xaashi, wuxuu sheegay in KAAH, aannu noqonayn mid cid keliya loo sudho qoorta ee uu nooqnayo mid bulshadu wada leedahay oo aan lagu calaamadin cid gaar ah iyo deegaan gaar ah.

“Urur iyo Xisbi isku duuban ayaa dhisikara qaran midaysan oo is jecel oo horumar sameeya, ayuu yidhi, Siyaasaiga Maxamuud Xaashi, wuxuuna xusay in Siyaasada Somaliland ilaa lixdankii ay ka taagnayd maamindaro, sidaa awgeed Ururka KAAH oo ka duulaya dhibaatooyinkaa uu smaynayo is aamin isku duubni daacadnimo ah oo wadaniyad ku jirto, isagoo dhinaca kale xusay in gacanta baabacada ka muuqata astaantooda ay tahay salaan iyo kalgacal.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com