Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa galay xaalad caafimaad oo karantiimo ah, sidaana waxa shaaca qaaday Saraakiisha Aqalka Cad oo goor dhowayd warbaahinta u xaqiijiyay.

Saraakiisha Aqalka Cad waxay sheegeen in Madaxweyne Joe Biden laga helay fayriska Covid-19., isla markaana uu la tacaalayo Madaxwaynuhu calaamado fudud oo wuu go’doomin doona ilaa inta xaalkiisu noqonayo mid la hubiyay caafimaadkiisa.

Laxidhiidha: Biden Oo Ku Khasoobay Sacuudiga Iyo Bayaan Kasoo Baxay Dalalka Carabta

Madaxweynaha Maraykanka Biden si buuxda ayaa loo tallaalay laba jeerna waxa la xoojiyay talaalka la siiyay ee COVID-19, balse waxa haddana xilligan laga helay fayriska COVID-19.

Shan maalmood ayaa laga joogaa markii Madaxweyne Biden uu kasoo laabtay dalka Sacuudiga, isagoo halkaa kaga qaygalay shirka Carabta ee xubnaha Gollaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ay ku jiraan dalalka Urdun, Masar, Ciraaq iyo Mareykanka.

Xaaladda uu galay Madaxweyne Biden ee xilligan ayaa u muuqata mid saamayn ku yeelanay dalka Maraykanka, iyadoo ay suurtagal tahay in lasoo celiyo xannibaadihii, sidoo kale waxay meesha ka saaray in Tallaalka dunida ku faafay ee la doonayay inuu ka hortag u noqdo Fayriska Covid-19 aannu u muqan mid wax ka tari kara xannuunka.

Maraykanku wuxuu hore u xaqiiqsaday in Siyaasiyiin magac weyn iyo sumcad ku lahaa oo uu ka mid ahaa Colin Powell, October 18, 2021, u geeriyooday xannuunka Covid-19, iyadoo xilligaa ka hor uu qaatay tallaalka xoojinta ah.

Coronavirus, ayaa dhammaadkii sannadkii 2019 (COVID-19, kasoo bilaabmay Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei oo ah magaalo ganacsi oo ku taal dalka shiinaha, balse dhibaatadu kuma koobnaan Shiinaha oo keliya ee wuxuu Faafitaanka Fayrisku muddo yar si xawli ah uga gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunida ee abuura cabsi weyn, kala qo-qob iyo inuu dhulka galo dhaqaalaha ay ku faanayeen dalal baddan oo shafka taagayay wixii ka horreeyay xilligan, iyadoo Mataykanku kaalinta koowaad ka galay dhimashada xannuunka ku dhowaad laba sannadood iyo badh uu si weyn u gelalafay aduunka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com