Dalalka Yurub Oo Ka Walaacsan Aargoosi Ah Oo U Qorshaysa Vladimir Putin

Araweelo News Network.

Brussels (ANN)-Dalalka Midawga Yurub, ayaa ka walaacsan xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay waajahayaan marka la gaadho xilliga xaggaaga, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kusoo rogo cunaqabatayn ballaadhan oo nollosha cidhiidhi gelisa.

Arrintan waalaca ah ayaa timi, iyadoo ay soo baxayana warar sheegaya in Sacuudi Carabiya oo ah dalka  labaad ee ugu weyn soo saarista saliidda adduunka xidhiidh hoose la leeyahay Ruushka oo ah dalka labaad uu tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine Saliidiisa qaar u weeciyay dhinaca Sacuudiga.

Warar la xidhiidha arrimahan oo laga soo xigtay khabiiro kala duwan oo indhaha ku haya xaaladda dagaalka Ukraine ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ka iibsanaysay Ruushka saliid aad u badan, taas oo ay iyadu suuqyada ka iibinay xilligan dunida uu qiimaha shidaalku cirka isku shareeray.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, ayaa si hoose u wada shaqaynaya, waxayna warbixinahan muujinayaan in Sacuudigu intii u dhaxaysay April iyo Jun dhoofiyay saliid gaadhaysa 647, 000 tan oo saliid ah, sidoo kale ay dhoofiyeen Sacuudigu 32,000 tan oo saliid ah, taas oo ka timi dhinaca dalka Ruushka, taas oo qiime hoose lagu siiyo,  iyadoo bishii Jun ruushku dhoofinayay maalintii 155, 000 barmiil, halka July uu gaadhsiiyay 200, 000 Barmiil maalintii.

Madaxweyne Putin, ayaa cunaqabataynta dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday markii uu weerarray Ukraine, wuxuu uga faa’idaysatay qiimaha saliida ee cirka isku shareeray, isagoo doonaya inuu taas ku kabo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay cunaqabataynta.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa xilligan ka walaacsan yahay in Ruushku isku dayo inuu burbur dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka sameeyo Yurub xilliga jiilaalka isagoo sida ay sheegayaan diblamaasiyiinta Yurub ka aargoosanaya taageerada Ukraine.

Yurub waxay hadda isu diyaarinaysaa suurtagalnimada in Ruushku uu gebi ahaanba gooyo gaasta uu keeno kaddib markii si weyn loo dhimay, sidaa waxa yidhi, saraal midawga Yurub ah oo ka hadlayay xaaladda, wuxuuna walaac ka muujiyay sida ay dhab ahaantii saamayn ugu yeelanay arrintaasi dalalka Yurub.

Hoggaamiyayaasha dalalaka galbeedka, ayaa ku hanweynaa in cunaqabatayn ay ku soo rogayaan Putin iyo maamulkiisa ay wax weyn u dhimi doonto, iyagoo doonayay in ay culays ku saaraan si uu debecsanaan u muujiyo markii uu bilaabay duulanka Ukraine, balse arrintu waxay noqotay mid aan waxba ka beddelin mawqifka Madaxweyne Putin, iyadoo dhibaatooyinka dhaqaale lala damacsanaa in cunaqabatayntaasi yeesho Ruushka ay si dhab ah saamayn xun ugu yeelatay dalalka reer galbeedka iyo dunida kaleba, taas oo noqotay mid caawisay Putin iyo dadaalkiisa dagaalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com