“Annigu dooda Axsabta sharci umma hayo, maxkamaddu wixii ay ina fartay uun baan fuliyaa” Muuse Biixi

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay dhawaaqyada dhiillada ah ee kasoo baxaya axsaabta mucaaradka kuwo aan dhab ahaantii ahayn sida ay wax u jiraan, wuxuuna shacbiga ugu baaqay in aannay dhegeysan.

Madaxweyne Biixi oo jawaabayay weedhihii ugu danbeeyay ee axsaabta mucaaradku ku eedeeyeen in wadahadaladii dhankiisa ka fuli waayeen, ayaa sheegay in meel lagu wadaagayo dood aannay ka madhanayn muran iyo buuq sidaa awgeed aannay dhibsan shacbigu.

Hadalkaa wuxuu Madaxweyne Bixii ka jeediyay mar uu Arbacadii maanta ka qaybaglay munaasibad xaflad ah oo loo qabtay dafcadii afraad ee dhalinyarada shaqa qaran, wuxuuna isagoo ka hadlaya dhawaaqa mucraadka yidhi, “Shacabu waa in aannay ka sasin buuqa iyo muranka asxaabta, meel talo lagu wadaagayo afkaar kala duwan, waa laysku diidayaa rayiga oo la isla jiidhayaa, laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale a.” ayuu yidhi.

Sidaa awgeed Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu yahay xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuurannahay oo waa inaynu aqbalaa ayuu yidhi, sagoo xusay in xisbiyada, hadda jira iyo ururrada la bilaabayo iyo kuwa iman doonaba ay waajib ku tahay in aan si cadownimo ah loo wada doodin ee layska toosiyo si dalka loo wada dhisto oo walaalnimo ah.

Madaxweyne Biixi oo axsaabta mucaaradka farriin ugu sheegaya in aannay sida ay doonayaan soconayn, aya yidhi, “Haddii ay dooddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay, markaa waa laga qabanayaa qarankaa ka qabanaya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Xisbiyada mucaaridku waxay fagaaraha ka sheegaan oo ay diiddan yihiin, saddex qodob oo aannu isla oggollahay ayey mid walba cillad daba dhigaan. Waxay yidhaahdeen tobankii sanno ee xisbiyadu furmayeen waa sharci, maxkamadduna way xukuntay oo aannu oggolnahay, laakiin doorashada ma geli karaane saddexda xisbi uun baa doorashada gelaya, ilaa Baarlamaanku sharci cusub soo saarayo, aniguna taas waxan idhi sharci uma hayo oo maxkamaddu wixii ay ina fartay uun baan fuliyaa, Kow iyo toban xaakin oo maxkamadda sare ahi wixii ay gooyeen anigu farogelin kari maayee walaalladay waxa u furan inay maxkamaddii ku noqdaan oo ay weydiistaan inay u sharraxdo, wixii ay maxkamaddu isoo farto uun baan anigu fulinayaaye.”ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in guddidii doorashooyinka uu deg deg usoo magcaabay, balse nasiibdaro ay baarlamaanku la hadheen saddex xubnood, isagoo ku dooday in xubnaha wakiillada ee mucaaradku didieen saddexdaa xubnood, isla markaana uu diyaar u yahay qabsoomida doorashada , laakiin wuxuu ku dooday in axsaabta mucaaradku saddexdaa xubnood ee Kommishanka soo daayaan, si markaa kaddib Kommishanku hawshiisa u qabsado oo doorashooyinka u muddeeyaan.

“Haddii ay xisbiyada mucaaridka ah ka dhab tahay in la muddeeyo doorashada madaxtooyada, ciddii doorashada qaban lahaydna waan haysanayaa, doorashadii in la muddeeyona waan rabaa isma qabatee hasoo daayaan saddexdii xubnood, dabadeedna guddida doorashooyinku ha inoo muddeeyaan, wax kale oo aynu isku haysanaa iima muuqatee.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, ayaa ku dooday inuu diyaar u yahay in la wadahadlo oo aannu taas cidna ka diidayn, balse wuxuu ka digay in lagu dhaqaaqo waxyaabo aan wanaagsanayn oo sharciga ka hor imanaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com