Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa isu diyaarinay guluf dagaal oo ay doonayso in ay ku hanato amniga iyo guud ahaan dhulka aan gacanta ugu jirin, sidaana waxa sheegay ra’iisal wasaaraha dhowaan uu magcaabay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisal wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre oo guddoominayay Shirka amniga ee ka qabsoomay Villa Somalia 20 July 2022, Image Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sidaa ka sheegay shir Arbacadii maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho oo lagaga hadlayay arrimaha amniga iyo sikaashiga dawladda Federaalka ah iyo Midawga Afrika.

Ra’iisal wasaare Barre oo guddoominayay shirka oo lagaga hadlayay la-dagaallanka argagaxisada oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo soo gaadhay Muqdisho, ayaa lagu faaqiday xaaladda amniga ee Soomaaliya.

Alt:Araweelo News Netwirk
Ra’iisal wasaraha Somalia Xamse Barre oo guddoominaya Shirka amniga ee ka qabsoomay Villa Somalia 20 July 2022, Image Araweelo News Network

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay kulankaa kaddib xafiiska ra’iisal wasaaraha ee Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xidhnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah. Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hor istaago maalgelinta argagaxisada.

Alt: Araweelo News Network
Qaar ka mid ah Saraakiisha Midawga Afrika ee ka qaybgalay shirka Ra’iisal wasaraha Somalia Xamse Barre guddoominaya ee amniga oo ka qabsoomay Villa Somalia 20 July 2022, Image Araweelo News Network

Sidoo kale, wuxuu sheegay ra’iisal wasaare Barre in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadi doonto tayada iyo kartida hay’addaha amniga, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ku xusan go’aankii Gollaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2628.

Alt: Ataweelo News Network
qaar ka mid ah saraakiisha dawladda iyo amsuuliyiinta amniga oo ka qaybgalay shirka Ra’iisal wasaraha Somalia Xamse Barre guddoominayay ee amniga oo ka qabsoomay Villa Somalia 20 July 2022, Image Araweelo News Network

“Dowladdan waxa ka go’an in sare loo qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaallada aan ugu jirno ciribtirka argagaxisannimada.”ayuu yidhi, Ra’iisal wasaare Barre. isagoo intaa raaciyay inuu dalbanayo in la joogteeyo taageerada ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Midowga Afrika uga mahad celiyay wuxuu ku tilmaamay naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com