Araweelo News Network.

Tehran(ANN)-Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Iran, kaddib markii Diyaarad Millateri oo ah nooca gaashaamaan kaga degey dhabaha diyaaraddaha Mehrabad ee Magaaladda Caasimada ee Tehran Salaasadii maanta.

Socdaalka Madaxweyne Putinayaa la xidhiidha kulan xaasaasi ah oo hoggaamiyayaasha ugu tunka weyn gobolka ee Iran iyo Turkiga ku dhexmaray Tehran, kaas oo lagaga hadlay xaaladdaha siyaasadeed ee gobolka oo ay ugu mudantahay arrinta Suuriya.

Khamiistii Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network oo soo xigganaya ila wareed diblamaasiyadeed oo laga helay Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, xaqiijiyeen in Madaxweyne Vladimir Putin qorshaynayo socdaal dhinaca dalka Iran ah.

Labada hoggaamiye ee Ruushka Vladimir Putin iyo Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hoggaaminayay wefuud ka tisran xukuumaddaha labada dal, waxaana kusoo dhoweeyay dhismaha Sa’dabad ee caasimadda Iran Ebrahim Raisi.

Laxidhiidha: Vladimir Putin Oo Kusii Jeeda Iran Iyo Biden Oo Ka Degey Israel Xiisadda Siyaasadeed Ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa isagu maalin ka hor gaadhay Tehraan isaga oo hogaaminaya wafdi heer sare ah oo uu ku casuumay Madaxweyne Raisi si uu uga qeyb galo kulan saddex geesood ah oo uu la yeelanayo dhiggiisa Iran iyo Ruushka oo ku saabsan geedi socodka nabadda Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu kulamo xaasaasi ah kula yeeshay Tehran Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxay kulan saacado baddan qaatay kaddib isla qaateen mawqif cad oo ku waajahan qadiyadda Suuriya, iyadoo aannay ka madhnayn arrimaha ay ka wadahadleen xaaladda mandaqada iyo guud ahaan siyaasaddaha iyo collaadaha ka taaggan ee khuseeya danahooda.

Saddexda dal ayaa ah kuwa dammaanad qaaday geeddi-socodka nabadda ee Astana, kaas oo loogu talagalay in laysugu keeno dawladda Suuriya iyo mucaaradka miiska wadahadalka si loo soo afjaro dagalka burburka, dhimashada iyo dhibaatooyinka baddan sababay ee in ka badan 11 sannadood ka socda waddanka Bariga Dhexe.

Hoggaamiyaasha ayaa sidoo kale, ka wadahadlay arrimaha dagaalka Ukraine, qadiyada Falastiin ee ay Yuhuudu madaxa kaga joogto, waxayna isla gaadheen qodobo muhiim ah oo la xidhiidha qadiyada Suuriya iyo arrimaha amniga ee gobolka iyo sidii ay u waajihi lahaayeen dhibaatooyinka xilligan ee gobolka, isla markaana isaga kaashan lahaayeen arrimo baddan sida ay warbaahinta u sheegeen iyagoo saddexda hoggamiye warnaahinta si wadajir ah ula hadlay markii ay dhammeysteen kulamdii muhiimka ahaa ee shirka saddex geesoodka.

Waxyaabaha kale ee lagu soo qaaday kulanka waxa ka mid ah heshiiskii Nukliyeerka ee Iran 2015 ee quwadaha adduunka, kaas oo Iran ku yeeshay saamayn dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha ah.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Putin uu ku tago Iran tan iyo markii uu la wareegay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi bishii August 2021, sidoo kale waa booqashadii labaad ee safar dibedda ah uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ugu baxo tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday dalka Ukraine Febeury ee la soo dhaafay February.

Laxidhiidha: Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay. By. Carraale M Jama

Ruushka iyo Iran ayaa hore gobolka ugaga adkaaday Maraykanka iyo saaxibadii, kaddib markii duulaan dhawr sanandood socday oo la doonayay in xukuumadda Suuriya ee Bashar Al Aassad meesha lagaga saaro ay sutida u qabteen, duulaankaa oo ay qayb ka ahaayeen xulufada kale ee Faransiiska, Britan, Germany oo ah saaxiibada Maraykanka, kuwaas oo ay weheliyaan dalalka Khaliijka oo qayb ka ahaa, balse ugu danbayntii waxay ku khasbanaadeen in ay iskaga huleelaan markii ay tahliwaayeen jabhadii ay taageerayeen in ay meesha ka saaran xukuumadda Suuriya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com