Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Somaliland, ayaa mar kale ku laabanay masraxa khilaafka siyaasadeed oo muddooyinkii u danbeeyay hadheeyay saaxadda siyaasadda, kaddib markii go’aan si weyn loogu dheg-taagayay maalmihii u danbeeyay oo la filayay inuu kasoo baxo kulamo dhexdhexaadin ah oo u socday dhinacyada uu noqday natiijo la’aan iyo hal bacaad lagu lisay.

Laxidhiidha: Somaliland: Axsaaabta Mucaaradka Oo Sheegay In Aannay Marnaba Wadahadal Toos Ah La Gelayn Madaxweyne Biixi Iyo Xukuumaddiisa

Natiijada kulamadii dhexdhexaadinta ee ay juhdiga geliyeen Ergooyinka is xilqaamay ee madaxdhaqameedka, iyo culimada oo khaasanayay labada Guddoomiye ee guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, ayaa loo balansanaa in Axaddii tododobaadkan lasoo saaro qodobo la filayay in lagu soo afjaro khilaafka, balse kulamadii loo balansanaa ee gunaanadka arrimaha ayaa dib u dhacay, kuwaas oo ugu danbayntii Salaasadii maanta axsaabta mucaaradku sheegeen in ay ku dhamaadeen raja la’aan.

Laxidhiidha: Somaliland: Dhawaaqyada Kasoo Baxay Kulankii Saddexaad Ee Xukuumadda Iyo Mucaaradka Iyo Dooddaha Is Khilaafsan

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan labada xisbi, ayaa warnahinta la hadlay maanta oo Salaasa ah, waxayna si wadajir ah u sheegeen in kualamadii la filayay in go’aanka laga soo saaro ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in Madaxweynuhu markii horeba Odayaasha diiday inuu kalsooni siiyo, balse wuxuu sheegay in markii uu labada guddoomiye ee Guurtida iyo Wakiillada Madaxweynuhu hore u sheegay inuu kalsooni siiyay, wallow sida uu sheegay markii saaka ay la kulmeen ay u sheegen inuu kala noqday Madaxweynuhu kalsoonidii sida ay noo sheegeen Guddoomiye Saleeban iyo Guddoomiye Cabdirasaaq Khaliif, sidaa awgeed waxay noo cadeeyeen saaka in annay waxba noo hayn ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Laxidhiidha: Somaliland: Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka

Sidoo kale, Gudoomiyaha WADDANI, waxa uu sheegay in waxyaabo baddan ay ku aqbaleen si aan loogu arkin gardiid, balse arrinta ay maanta kala kulmeen Labada Guddoomiye jawaabta ay ka keeneen Madaxweynaha aannay ahayn mid u cuntamay, wuxuuna xusay in Madaxweynuhu ku qanciyay labada Guddoomiye in qaab sharci ah uu arrimaha u marayo, isla marakaana doorashada ku qabanyo go’aankii maxkamadda sarre, balse guddoomiye Xisri wuxuu arrintaa ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbalayn oo Madaxweynuhu doonayo inuu waqtiga ku lumiyo.

Laxidhiidha: Somaliland: Ergada Dhexdhexaadinta Oo Ka Jawaabtay Qoraal kasoo Baxay Xukuumadda

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay qaadan doonnaan tallooyon lagu badbaadinayo qaranka sida uu sheegay, isagoo shacbiga ugu baaqay in ay u midoobaan sidii qaranka loo badbaadin lahaa, isagoo Madaxweyne Biixi ku eeddeeyay inuu doonayo keliya dalka in aannay doorasho ka dhicin ee xukunka uu sidaa ku haysto, balse wuxuu sheegay in aannay Somaliland noqonayn Masartii Fircoon.

Laxidhiidha: Kulankii u Horeeyay Ee Dhinacyada Iyo Jawigii Laysku Qaabilay

Labada guddoomiye, ayaa sidoo kale, sheegay in ay soo bandhigayaan ajandaha shirka natiijadiisu ku dhamamatay hungada ee u dhexeeyay xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad, iyagoo xusay in qodobada ajandaha ee muujinaya arrimaha laga wadaadlayay ay markhaati u yihiin sidii wax u dhacayeen iyo sidii ay dooda ay ka shirtageen u ahayd mid sharciga iyo qaannuunka dalka waafaqsan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com