Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynihii jhore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo dalka kusoo laabtay, isagoo kasoo kicitimay dhinaca dalka Faransiiska oo muddooyinkii u danbeeyay uu deganaa, ayaa saaka kasoo degey garoonka diyaaraddaha ee Egal International Airport.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiye kux xigeenka labaad ee gollaha wakiillada Cali xaamud iyo masuul kale, 18 July 2022, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye xigeenka labaad ee gollaha akiillada Cali Xaamud Jibriil oo ay weheliyaan xubno siyaasiyiin hore oo ka tirsanaa xukuumaddii Daahir Rayaale, xilligana ka mid ah axsaabta mucaaradka iyo wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa kusoo dhoweeyay madaarka Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.

Hase yeeshe warbaahinta ayaan loo oggolaan inuu kula hadlo qolka martida ee madaarka dhexdiisa, taas oo ka cadhaysiisay Madaxweynihii hore iyo siyaasiyiinta soo dhowaynayay ee ku sugnaa madaarka.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale oo soo gaadhay markaa kaddib gurigiisa ku yaal Magaaladda Hargeysa, ayaa la hadlay weriyayaasha, wuxuuna ka gaabsaday inuu sababta loogu diiday warbaahinta ka hadlo, balse wuxuu su’aal laga weydiiyay arrintaa isaga riixay dhinaca xukuumadda, isagoo yidhi, “Anniga maaha in lay weydiiyo waa in iyaga la weydiiyaa, “xukuumadda”, saaka waa la diiday in warbaahinta ii timaado markii aan madaarka kasoo degey, hadda waydiinkaa ila jooga oo halkan cidna ii kiin diidaysaa ma jirto.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, Daahir Rayaale, oo sawir ka bixinaya xaaladda, ayaa yidhi, “Marka hore diyaar uma ihi in aan ka jawaabo wax baddan, Dalka warbaahintu shalayna way joogtay maantana way joogtaa, hadaad war arrintaa uga baahan tihiin, cajaladii hore iyo kuwa maanta ayaad dadku tusaysaan, kuwaas ayay jirtaa.

Mar uu ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka oo weedho koobban ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed lagu dhammeeyo wadahadal.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada, Cali Xaamud, ayaa ka raali geliyay in warbaahinta laga joojiyay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, wuxuuna xusay in ay saaka xilli hore madaarka tageen si ay usoo dhoweeyaan Madaxweynihii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, “sharaf ayay noo tahay in aan soo dhowayno madaxweynihii hore, waana ka raali gelinaynaa in saxaafadda lo diiday.’ ayuu yidhi, Cali Xaamud.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin sababta dhacdadan oo saluug weyn ka muujiyeen shacbigu, isla markanaa lagu macneeyay in Madaxweynihii hore oo si nabad ah xukunka u wareejiyay xukunka, istiraam iyo qadarina ka muddan qaranka Somaliland loogu diiday inuu warbaahinta kula hadlo madaarka, sidoo kale, waxay ficilkaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xoriyad hadalka iyo nidaamka dimuqraadiyada.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, ayaa dhowaan dhaleecayn kulul u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo xisbigeeda, wallow aan qayb ka ahayn axsaabta siyaasada ee xilligan, balse hadalkiisa ayuu ku beegay xilli ay xukuumaddu diiday mudaharaad ay iclaamiyeen axsaabta mucaaradku, balse lama ogga in tani jawaab u tahay weedhihii dhaleecaynta ahaa ee Daahir Ryaale ku hurgufay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE iyo in ay la xidhiidho arrimo kale oo aan weli soo shaacbixin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com