Araweelo News Network.

Moscow(ANN)-Xukuumadda Ruushka ayaa sii wadda dagaalka saamaynta baahsan ku yeeshay aduunka ee Ukraine, waxayna xoojisay xilligan weerarrada ay ciidamadeedu ku hayaan magaalooyinka dalka Ukraine iyo garaaciista gantaalaha iyo madaafiicda darandooriga ah.

Alt: Araweelo News
Dagaalka Ukraine, hubka lagu daabulayo iyadoo Burbrka magaalooyinka waaweyn la arkayo maydadka wadhan, Image Araweelo News Network

Wararkii saacadihii u danbeeyay sida teel teelka looga helayay dhinaca dalka Ukraine ee dagaalku aafeeyay, ayaa sheegaya in Ruushku xoojiyay garaacista gantaalaha, isagoo si gaar ah u bartilmaamaeedsaday xarumo warshaddo oo ku yaal magaalada dhanka koonfureed ee Mykolaiv. oo lagu dhisayo maraakiibta.

Lxidhiidha: Trump Oo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Ku Tilmaamay Geesi

Arrinta duqaymaha cusub ayaa imanay, iyadoo Moscow kordhisay weerarrada ay ka geysanayso guud ahaan dalka Ukraine maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Ukraine ee kula jira iska caabintu ay waajahayaan cabsi dheeri ah.

ciidamada Ruushka ayaa laga cabsiqabaa in sababta ay duqaymaha u xoojiyeen ay atahay, iyagoo doonaya in ay isu diyaarinayaan weerarkooda xiga., waxaana nta badan dagaalko xooggan ka socdaan gobolka bari ee Donetsk, iyadoo duqeymo ay ka dhacayaan guud ahaan jiidda hore ee dagaalka iyo xataa caasimada Kyiv.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com