Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo ka mid ahaa culimada Somaliland kuwa ugu magaca dheer, isla markaana caan ku ahaa ka shaqaynta arrimaha samafalka iyo khayriga oo uu juhdi iyo dedaal baddan geliyay inta baddan nolloshiisa, ayaa Sabtidii maanta 17 July 2022, lagu ,Aasay Xabaallaha Baqiic ee Waqooyiga Magaaladda Hargeysa.

Aaska Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo 17 Kuly 2022, lagu aasay xabaallaha dhanka waqooyi ee Magaaladda Hargeysa, kumanaa qof ayaa ka qaybaglay jinaasadiisa, Image Ataweelo News Network.

Sheekha ayaa ku geerriyooday dalka Hindiya 14 July 2022, halkaas oo xaalad caafimaad loo geeyay, iyadoo geeridiisu ahayd mid si weyn u damaqday shacbiga Somaliland guddo iyo dibedba uga murrugoodeen, balse si gaar ah u taabatay shacbiga Caasiamda Hargeysa oo aan marnaba iloobayn kaalinta uu kaga jiray horumarka bulshada iyo arrimaha khayriga ee uu hormoodka u ahaa.

Maydka Marxuumka, ayaa laga soo gelbiyay Madaarka Egal Intertional ee Magaaladda Hargeysa, kaddib markii diyaar lagaga soo qaaday dalka Hindiya, iyadoo kumanaan shacbiga Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa iyo kuwo ka yimi gobollada dallka usii gelbiyeen griigiisa rasmiga ah .

Laxidhiidha: Sheekh Aadan Siiro Hormoodkii Samafalka Oo #Geeriyooday

Madaxweyneha Jamhuuriyaddda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Qaranka ee gollayasha iyo axsaabta oo ay weheliyaan culimada, aqoonyahanka, madax-dhaqameedka iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada ayaa ka qayb qaatay qaabka loo sii wadacay maydka marxuumka, oo lagu kafmay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo jinaasada marxuumka ka dhigtay mid qaran oo muujinaysa qiimaha uu ku lahaa Buldhada ee uu ku kasbaday wanagii iyo samafalkii lagu bartay ee uu gashaday intii uu noollaa.

Aaska Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo lagu shqlay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, 17 Kuly 2022, ayaa lagu aasay xabaallaha dhanka waqooyi ee Magaaladda Hargeysa, kumanaa qof ayaa ka qaybaglay jinaasadiisa, Image Ataweelo News Network.

Xabaallaha Baqiic ee lagu aasay Sheekh Aadan waa qaybtii labaad ee looga soo guuray xabaallaha hore ee buuxsamay oo dhanka Magaaladda kasoo xigga, kuwaas oo dad baddan u garanayaan “Xaaballaha Sheekh Aadan Siiro”,

Marxuumka ayaa sannado ka hor abaabulay xabaallaha dhanka Waqooyi ee Magaaladda oo ugu danbayntii loogu magacdaray, waxayna xilligaasi ahayd mar Hargeysi wayday meel lagu aaso maydka qofka dhinta, sidoo kale xabaallaha waxa inta baddan ka jirtay fawdo, iyadoo aannu jirin nidaam iyo qorshe, isla markaana a xafaariintu sida ay doonaan ka yeelo jireen oo mararka qaar ay suurtagal ahayd in qofka lagu aasi karo, iyadoo aan la ogayn, balse Sheekh Aadan ayaa xilligaa dedaal iyo juhdi baddan geliyay in la helio dhul laga qaydo xabaallo, isagoo khaasnaya ganacsato iyo dad kale oo muxsiniin ah oo qayb ka ahaa iibka dhlka loo qaygday xabaalllaha.

Aaska Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo 17 Kuly 2022, lagu aasay xabaallaha dhanka waqooyi ee Magaaladda Hargeysa, kumanaa qof ayaa ka qaybaglay jinaasadiisa, Image Ataweelo News Network.

Sheekh Aadan, wuxuu sameeyay nidaam lagu maamulayo xabaallaha oo ku cusub Hargeysa, iyadoo la diiwaan geliyo dadka lagu aasayo, isla markaana meesha laga saaro xafaariinta oo maamul gaar ah loo sameeyo, taas oo si weyn shacbiga Magaaladda Hargeysa ugu riyaaqeen, iyadoo nidaamkaasi noqday mid ku faafay caasimadda oo dhammaan xabaallaha kale ee magaaladda loo sameyay nidaam kaas la mid ah.

Hawsha baxaada weyn ee Sheekh Aadan u tafaxaytay ayaa ahayd mid baahideeda iyo dayaceeda uu arkay markii ay gabeen kuwii masuuliyadaa lahaa, mana ahayn hawlaha samafalka iyo tabarucaadka uu Sheekh Aadan ku kasbaday quluubta shacbiga intaa oo keliya, balse waxay ahayd mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee uu geliyay juhdiga, isagoo doonaya inuu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.

Sheekh Aadan, wuxuu ahaa hoggaamiye doonaya inuu bulshada wax baddan ka beddelo, isagoo ku dabakhaya qaabkii ay hoggaamiyaashii Islaamka ee Asxaabtu Bulshada ugu adeegi jireen, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo ka maamuli jiray Masjidka uu khadiibka ka ahaa ee xaafadda Xawaadle, isagoo mar walba tilmaami jiray wanaaga iyo iskaashiga looga baahanyahay bulshada, isla markaana masuuliyiinta xukuumadda dhaliishooda iyo in ay gabeen doorkooda aan dhegaha uga duwi jirin.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo dhammaan dadka kale ee maanta ka qaybgalay jinaasada Sheekh Aadan, waxay qireen doorka shariifka ah ee uu lahaa marxuumku iyo hawlaha baaxada leh ee uu hayay , kuwaas oo ahaa kuwii ay qaban lahaayeen masuuliyiinta xidhan shaadhka dawdladnimo ee hoggaanka u ah Bulshadu, balse geerida Sheekh Aadan ayaa dhalisay Su’aalo ay shacbiga Hargeys is weydiinayaan oo la xidhiidha cidda buuxinay kaalintii Samafal, Daacinmo, daryeelka masaakiinta, isku xidhka bulshada, wanaajinta deriska iyo dhammaan arrimahii samafalka iyo hagaajinta qayimka Bulshada.

Allah haw naxariistee Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey, wuxuu kasoo jeeday qoys aad looga yaqaanay magaaladda Hargeysa oo qayb ka ahaa aasaaskeedii, isagoo sannadihii u danbeeyay xannuunka macaanka la noollaa kaas oo sababay in mar hore dalka Hindiya loogu geeyay caafimaad, halkaas oo mid ka mid ah carruurtiisu ugu deeqay Keli, waxaana mar kale xaalad caafimaad loo geeyay dalka Hindiya dhowaan isagoo ku geeriyodoay halkaa 14 July 2022,

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com