Heshiiska waxa qayb ah In Laysu Furo Telefoonada Kala Xidhan ee Shirkaddaha

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiweli Sheekh Cumar Suufi, ayaa sharaad ka bixiyay heshiis ay xukuumaddu la saxeexatay saddexda shirkadood ee ugu waaweyn isgaadhsiinta.

Heshiiska oo ahaa mid Afar geesood ah, ayaa dhigaya saami qaybsiga xadhiga Fiber optic ee dhinaca Internetka, kaas oo shirkaddaha Telesom, Somtel iyo Somcable iyo xukuumadda Somaliland ka saxeexdeen maalintii 8 Feb 2022.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiweli Sheekh Cumar Suufi, oo sharaxaya heshiiskaa, ayaa sheegay inuu yahay mid ku qotoma sidii saamilaydu u wada maal-gelin lahaayeen horumarinta Isgaadhsiinta, gaar ahaan dhinaca Internet-ka.

Heshiiska, ayuu ku macneeyay mid Wasiir Suufi mid kobcinaya tayada iyo habsami-wanaaga adeegyada Tignoolajiyadda Somaliland, kaas oo sida uu xusay muddo laga soo shaqaynayay sidii loo hirgelin lahaa.

“Heshiiskaas nuxurkiisu wuxuu yahay in xadhigga Fiber Optic-ga ee dhulka la hoos mariyo la mideeyo maal-gelintiisa, isla markaana la wada maamulo, isla markaana la wada gaadhsiiyo gobollada dalka oo dhan. heshiiskani wuxuu dhigayaa in xadhigii hore ee dalka yaallay iyo qeybaha cusub ee gobollada la gaadhsiin doono, heshiiskuna 8 Feb 2022 oo uu dhacay laga bilaabo xilligaa waa dhaqan-gal”ayuu yidhi Wasiir Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil.

Mar uu ka hadlayay faa’idooyinka ku jira heshiiska, wuxuu sheegay in ay qayb ka tahay in la helo Internet xawaarihiisu aad u sareeyo, oo kor u qaadi doona tayada adeegyada guud ee isgaadhsiinta, gaar ahaan Internet-ka, waxa kale oo uu Somaliland ka dhigi doonaa xarun Internet-ka u qaybisa gobolka (Regional hub), waxa kale oo uu kor u qaadayaa Tiknoolajiyadda, Dhaqaalaha dalka, sidaa awgeed waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay isticmaalka Tignoolajiyada kobciyaan, ayuu yidhi.

.

Qaabka Heshiiskani ku dhisan yahay ayaa ahdawladda iyo ganacsatadu wax wada maal-geliyaan (Public, private partnership), iyagoo ka wada faa’idaystaan kaabayaasha kala duwan ee lacagta faraha baddan ee lagu gelinayo, waxaanan aaminsanahay in heshiisyada noocaas ahi saameeyaan qaybo baddan oo kamida nolosha”ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay im xadhiga Internetka ee Fiber Optic oo markii hore kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable, balse shirkadduhu is-afgarad ka gaadheen kaddib sulux iyo isu soo dhowayn xukuumaddu ka dhex samaysay, waxaanay la sheegay inay saddexda shirkadood ku heshiiyeen inay u qaybsadaan qaab saami-qaybsi ah boqolkiiba 31.67 %,midkiiba halka xukuumadduna ay yeelanayso 5%Saami ah boqolkiiba Shan.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in xadka Telefoonada ee hore aan isu geli jirin hadda wixii ka danbeeya ay Bulshadu si toos ah u wada xidhiidhay, “Waxa kale oo kamida heshiiska inay shirkadduhu u hogaansami doonaan shuruucda dawladda iyo in laysu furi doono Telefoonada Shirkaddaha Isgaadhsiinta”.Ayuu yidhi Wasiir Cabdweli Sheekh.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

.