Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa si cad u sheegay in xukuumad ahaan ay ogolaadeen in Kasiinad ay Kiristanku ku lahaayeen Hargeysa dib loo furo, isagoo sheegay in ay aqbaleen codsi sida uu sheegay uga yimi dadka Kisristanka ah ee k a hawlgala dalka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khliil oo hadal kooban ka jeediyay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayay dhismaha Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in dalka Somaliland leeyahay Dastuur lagu dhaqmo oo ku salaysan Diinta Islaamka, isla markaana wuxuu sheegay in Dastuurku aanu oggola in Diin aan Islaam ahayn lagu faafiyo geyiga Somaliland, sidoo kale aanu oggolayn in dadka Somaliland diintooda bedelaan.
Sidaa awgeed, wuxuu xusay in shareecada Islaamka iyo Dastuurka Somaliland aanay u diidayn in ay dalka Somalialnd yimaadaan dadka Ehlu Kitaabka ah oo ay ka shaqaystaan, ama sifo sharci ku joogaan, isagoo yidhi, “Distoorka Somaliland iyo shareecada Islaamku uma diidayso Dadka Ehelu Kitaabka ah in ay dalkeena yimaadaan oo ay ka shaqaystaan, ama sifo shrci ku yimaadaan, mana diidayso inay ku cibaadaystaan goobihii hore ugu dhisnaa ilaa xiligii Mustacmarka ee Ingiriiska. Sidaa awgeed waxaan cadaynayaa in aanay jirin kaniisad cusub oo Hargeysa laga dhisay, sida lagu faafiyay saxaadafa, waana sawiro aan jirin oo been abuur ah, lamana oggola in kaniisado cusub laga dhiso geyiga Somaliland”

Sheekh Khaliil, waxa uu isagoo ka hadlaya xiisada ka dhalatay arrintaa yidhi, “Waxa Buuq iyo cadho dhaliyay hadal ay gabadh ajaanib ah ka tidhi, madal lagu falanqaynayay horumarka ay keento mutadawacnimadu oo lagu qabtay Jamacadda Alpha, taas oo loo fasirtay in dawladu oggolaatay Kaniisad cusub oo Hargeysa laga furay, iyadoo aanay waxba ka jirin, waxaana Haweenaydaa xafiiskeedu u qornay digiin kama danbays ah, iyadoo looga digay wixii hadal ama fal loo turjuman karo fidin diineed” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in xukuumadda Somaliland ee talada haysaa ku suntantahay kor u qaadida wacyiga Diinta. Sidaa aweeg aan looga baqayn wax weyalaya diinteena suuban iyo anshaxa dhaqanka bulshada.
Hase yeeshee sawaxan iyo buuq ka dhashay dhacdadaa, waxa iyaguna ka hadlay culimada waaweyn ee dalka qaarkood, waxaana kulan lagu qabtay Masjidka Ali Mataan ee Hargeysa oo wasiirka Diinta iyo Awqaaftu goob joog ka ahaa si weyn ugu naqdiyay xukuumadda Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo Culimo kale oo kulankaa kasoo xaadiray, isagoo Wasiir khaliil difaacay go’aanka xukuumadda.

Dhinaca kale Kaniisada Katooliga ee xiligan la hadalhayo oo Hargeysa ka dhisnayd tan iyo 1950, ayaa si rasmi dib loogu furay sanadkii hore January ee sanadkan 2016, iyadoo xaflad weyn loo qabtay xilgaa Sida ay baahisay shebekadda Araweelo News Network oo soo xiganaysa xiliggaa Idaacad ku hadasha codka Dawladda yar ee Faatikaanka ee awoodda badan, isla markaana ah ,maamulka sare ee Kaniisadda ugu weyn Katooliga (Vatican), waxaana sanad ka hor markii dib loo furay kadib dib u habayn lagu sameeyay dhismeheeda ka qaybgalay munaasibada dib loogu furayay, Msgr . Giorgio Bertin oo ah (Bishop) wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Djibouti.
Halkan Riix si aad u hesho warbixinta Araweelo News Network baahisay xiligaa ee furitaanka Magaalada Hargeysa Bishii January 2016.