Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiga Cali Xaamud Jibriil oo dhawaan xilkaasi laga qaaday, ayaa ka digay in Somaliland gacanta ku gahso koox gaar ah oo ku keliyeysata jaan-goynta arrimaha masiiriga ah ee qaranku leeyahay.
Md. Cali Xaamud Jibriil oo hadal ka jeediyey xaflad ka dhacday Hargeysa oo uu xilkii wasaaraddaasi ugu wareejiyey Axmed Xaaji Daahir oo ah wasiirka cusub ee Madaxweynuhu u magaacabay toddobaadkan, ayaa si dadban u iftiimiyey in koox gaar ah oo aannu carrabaabin ay ku danaystaan talada dawladnimada Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay ka horimanayso dastuurka ay ummadda reer Somaliland ku heshiiyeen iyo hiigsigii la gaadhi lahaa.
“Sababtii Somaliland uga go’day Soomaaliya ee loo aasaasay waxay ahayd la dagaallanka caddaalad-xumadii jiri jirtay, markaa dastuurka iyo shuruucda Somaliland waxa udub-dhexaad u ah caddaaladda, haddii aynu ilaashanwayno wixii aynu ku heshiinay ee dastuurka ahaa ama aynu garabmarno oo aynu is-haybsi, nin jeclaysi iyo qaraabo-kiil uu dalkani ku socdo waxa iman doonta in farta dhexda laga qaniini doono, waxaannan filayaa in marka kasta oo dadku kala qaybsamaan waa mar kasta oo cadowga Somaliland ka faa’iidaysto, halka markasta oo aynu ilaashanno waxaynu ku heshiinay iyo nidaamkeenna oo aynu sugno caddaaladda waxa sugmaya oo inoo hirgelaya wax fara badan oo wanaagsan.
Maanta waxaynu ku faanno ee ah kala dambaynta ay haysato Jamhuuriyadda Somaliland ee aynu kaga duwanahay Soomaaliya waa dastuurkii aynu si caddaaladda ah ugu codaynay dalka oo dhan, in aynu dastuurka ilaashanaana waa wax waajib ah, haddiise la kala xigsado waxa iman doona wax aan fiicnayn,” ayuu yidhi Cali Xaamud.
Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaashu waxa isagoo hadlakiisa sii wata uu yidhi, “Waxaynu haysanaa hantida ugu mudan oo aanay maanta haysan dalal badan oo jaarkeenna ah sida Soomaaliya Ilaahay dhibta ha ka dulqaado walaalaheenne, nabadda maanta taal Hargeysa iyo sida loogu socdaa ma taalo Xamar, Ilaahay baynu ugu mahadnaqaynaa nabaddaa, waana in aynu ka sii kordhinaa, laakiin haddii koox gaar ah oo dano gaar ah leh ay saamayn wayn ku yeeshaan go’aannada xasaasiga ah ee qarankan oo ay keligood sax iyo khaladba meel marsadaan waxa halkaa ka abuurmi kara hab aan ahayn kii aynu u codaynay ee ahaa in aynu ku dhaqanno furfurnaan, talo-wadaag, wax-wada yeelasho iyo is-xaqdhawr oo uu sal u yahay Dastuurka Somaliland, taasi waxa weeye haddii aynu ka tagno nidaamkii aynu u codaynay oo dad gaar ahi ay meelmarsadaan dano gaar ah waxa iman doonta in aynu wax fara badan wayno.”
Waxa kaloo uu shacabka uu ugu baaqay in laga fogaado caddaalad-darooyinkii keenay in reer Somaliland dagaal dib ugu soo xorraystaan dawladnimadoodii kaga luntay midowgii ay la galeen Soomaaliya ee 1960, isla markaana si waafaqsan dastuurka la dhigtay loogu sinnaado qaranka.
“Waxaan ku boorrinayaa shacabka reer Somaliland iyo intiinnan i horfadhidaba in aynu ilaashanno wixii aynu ku faanaynay, dastuurkeenna iyo in aanay cid koox gaar ah oo dano gaar ah lehi cidday doonaan iyo haybtay doonaan ha ahaadaane….markaynu isla garano in danteennu dhammaanteen ku jirto Somaliland, wixii aynu ku heshiinay iyo dastuurkeenna oo aynu ilaashanno waxa inoo jeexan ee aynu walaalo ku nahay oo aynu nidhaah danteenu waataa, kii dantaa iyo waxaa ogol baanu wax isku nahay oo aynu ka tagno qaraabo-kiil, reer, saaxiibtinimo iyo nin jeclaysi marka uu sidaa Ilaahay dhammaanteen innagu ilhaamiyo Somaliland qaran buuxa ayey noqonaysaa, waxaanay ka midho-dhalinaysaa wixii loo aasaasay oo ah la-dagaallanka caddaalad-darrada, waayo waxa ina deeqa in ilmahaaga, kayga, ka bari jooga iyo ka galbeed joogaa inay si caddaalad ah ugu wada noolaadaan, laakiin nin jeclaysi iyo qabiil isku dhawaansho midna inna anficimayso dhammaanteen,” ayuu yidhi Wasiir hore Cali Xaamud Jibriil.