Hargeysa(ANN)-Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Xildhibaan Maxamed Axmed  oo lagu naanayso (Dhakool ), isla markaana  ka tirsan Xildhibaannada  golaha Wakiiladda Somaliland ee kasoo jeeda  gobolka Sool.

Saraashiisha Booliska oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino wararka sheegaya xadhiga Xildhibaan Dhakool, ayaanay noo suurta gelin, sidoo kale dhawr xildhibaan oo ka mid ah kuwa  ay isugu dhowaayeen xildhibaanka ayaanay suura gal noqon in aanu ka xaqiijino xadhiga xildhibaanka, balse Telefishanka Bulsho Tv,  ayaa xaqiijiyay in xidhibaan Maxamed Axmed (Dhakool) ciidamadda Boolisku maanta xabsiga u taxaabeen.

Warka, ayaa sheegaya in xadhiga Xildhibaan Dhakool  lala xidhiidhinayo hadal uu Warbaahinta mariyay oo uu ku sheegay in xuska maalinta Somaliland sida weyn u xusto qaranimadeedii ay lasoo noqotay 18, May 1991, oo sannad walba xus ballaadhan loo sameeyo xildhibaanku ku tilmaamay in aanay ahayn maalin qaran.“Waa Maalin Madaw 18 May, maaha maalin Qaran” ayuu yidhi, Xildhibaan Dhakool.

Xadhiga Xildhibaan Dhakool, wuxuu kusoo beegmay, iyadoo xilligan Somaliland si weyn ugu diyaar garoobay xuska sannad-guuradii 28aad ee kasoo wareegtay markii  Jamhuuriyadda Somaliland  lasoo noqotay  qaranimadeeda iyo madaxbannaanideeda 18, May 1991.

Xildhibaanka, ayaa ka mid ahaa xubnaha golaha Wakiiladda ee 1997- ku biiray golihii xiligaa oo ahaa gole ku yimi nidaamkii ay Somaliland kusoo dhisantay ee Beelaha,  isagoo ka mid ahaa tan 2005, balse wuxuu mar kale golaha Wakiiladda soo galay markii ay Somaliland ka guurtay nidaamka Beelaha ee u guurtay nidaamka xisbiyada, isagoo ka mid noqday golihii u horeeyay ee si toos ah doorasho ugu yimaada 2005, wuxuuna kasoo galay Xisbigii UDUB, walaw aanay isaga iyo dhawr xildhibaan oo kasoo jeeda Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari aanay ku iman doorasho toos ah.

Mudane Ka Tirsan Xildhibaanada Somaliland Oo La Waayay Markii Ay Soo Bexeen Tuhuno Lagula Xidhiidhiyay Shirqoolada Iyo Dilalka Gobolka Sool