Araweelo News Network.

“Maxkamadda sarre waa in ay laasho dacwadda.” Xildhibaan Guruuje

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah Mudanayaasha gollaha wakiillada Somliland, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay qoraalka dacwada xildhibaano sheegay in ay yihiin 46 xildhibaan shalay u gudbiyeen Maxakamadda Sarre oo ah Maxakamadda Dastuuriga ah.

Xildhiabanka Guruuje oo ka hadlaya arrintaa, ayaa sheegay in aannay dacwada ay xildhibaanadu gudbiyeen aannay ahayn mid waafaqsan nidaamka dacwaddaha.

“Mudanayaashu way dar jiidheen, waxay u gudbiyeen Maxkamadda Sarre qoraal filiqsan oo dhinacuu u socdo iyo ujeedaddiisa aan la fahamyn, waxaan usoo jeedinayaa Maxkamadda sarre in ay laasho dacwadda.”

Xildhibaanka, ayaa ku doodday in arrintu tahay arrin maamul ee aannay ahayn qodobo dastuuriya oo laysku hayo, Marka Guddoomiye Maxkamaddeed qoraal loo qorayo, laba ujeeddo ayuun baa loogu qoraa, waa codsi, ama cabasho, qoraalka ay ka hadlayeena wuxuu ahaa waxay ku tilmaameen fasiraad sharci, mana jirin qodobo sharci oo laysku hayay ee meesha yaalay, waxay soo qaateen laba qodob oo midba ay dhawr faqradood kasoo qaateen, waxayna dacweynayeen mashruuc sharci habkiisa maamul, sidaa awgeed qadiyadaasi wax aasaas sharci oo ay ku dhisnayd ma jirin, si farshaxan ahna looma qorin, ayuu yidhi, Xildhibaan Guruuje.

Xildhibaanka, ayaa sharaxay xudunta murranka ee xildhibaanada iyo wixii ay isku hayeen, wuxuuna ugu baaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre inuu laalo qoraalka loo soo gudbiyay oo uu ku macneeyay mid aan dariiq sharci ah haysan, isla markaana ah arrin maamul oo gollaha u taal.

Dhinaca kale, wuxuu farriin u diray Xildhibaan Guruuje Madaxweynaha Somaliland, isagoo xusuusiyay dhacdadii sidan oo kale sagaashanaadkii Guddoomiyihii gollaha wakiillada ee xilligaa Axmed Cabdi Xaabsade iyo Madaxweyne Cigaal, taas oo sababtay in Garaadkii hoggaaminayay Madaxdhaqameedka Sool, Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo siyaasiyiintii kale ee Sool ay Somaliland ka cadhoodaan, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha inuu taariikhdaa dib u xusuusto oo arrintaa maanka ku hayo.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray Wasiir ku xiggeenka Caafimaadka Somaliland, Liibaan oo shalay warbaahinta hadal hanjabaad ah u mariyay Guddoomiyaha Wakiillada Cadiqrisaaq Khaliif, isagoo ku hanjabay inuu noqon doono guddoomiyihii ugu muddada gaabnaa, balse xildhibaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka wasiir ku xigeenka, wuxuuna usoo jeediyay Madaxweynaha inuu wasiirradiisa fahamsiiyo xilka guddoomiyaha iyo inuu yahay ninka saddexaad ee ugu sareeya dalka, sidaa awgeed ay gef ku tahay nidaamka dawliga ah iyo qaranimada in wasiir warbaahinta u mariyo hadaladaa oo kale.

Xildhibaan Guruuje oo si faah-faahsan uga hadlaya arrimahaa halkan ka daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com