Araweelo News Network.

Warxinta waxa laga soo ururiyay 16 goobood oo isugu jira xabsiyo iyo saldhigyo Somaliland ah

Harrgeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANi, ayaa ka dayriyay xaaladda xabsiyada Somaliland iyo saldhigyada oo ay sheegeen in baadhitaan ay sameeyeen kaddib kasoo saareen qaylo-dhaan.

Sarkaal ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in warbixintaa oo ka kooban dhawr iyo toban bog ay kaga hadlayaan saldhigyo iyo xabsiyo 16 ah ay ka dayriyeen sida loogu noolyahay.

Waxayna sheegeen in ay ugu horeeyaan saldhiga dhexe ee Caasimada iyo xavsiyada qaar, waxaase warbixintaa ay ku sheegeen in ay ku amaanaayan xabsiga dhexe ee Hargeysa iyo Xabsiga Burco, kuwaas oo ay amaan usoo jeediyeen askarta ilaalisa qaabka ay ula dhaqmaan maxaabiista iyo caafimaadkooda.

Halkan Ka Daawo warbixintaa.