“Muuse Gebilay Iyo Berbera Biriish Haw Samaysto” Guddoomiyaha UCID

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi ee Mucaaraadka oo isu bahaystay xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa ku hanjabay in ay jiraan saddex qodob oo miiska u saaran haddii la waayo xal siyaasadeed oo heshiis lagu yahay inta ka horaysa bisha September 2022.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbahinta isagoo uu weheliyo murrashaxa Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa tilmaamay mawqifka labada Xisbi ee ugu danbeeya, isagoo ka dayriyay xaaladda dalku marayo iyo mustaqbalka halka uu ku danbaynayo haddii aan la helin xal waara oo lagaga baxo arrimaha khilaafka doorashada.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal waxa uu ka dayriyay siyaasadda Madaxweyne Biixi ku hoggaaminayo dalka, isagoo ku eedeeyay inuu saddexdii hay’addood ee dalka ugu sareeyay Fulintii, Garsoorkii iyo sharcidejiintii isku darsaday, “Shalay ayaa u danabaysay waa arkaysaeen wuxuu Muuse ku hadlayay, guddoomiyaha maxakamadda sarre oo fadhiya, wuxuu amar siinayay guddida doorashooyinka qaarbaa maddaxa u ruxayay, Baarlamaankii isagaa amraya, Guddoomiyihii maxkamadda sarre waakaa la fadhiya ee hortiisa ku amraya, fulintiina isagaaba ahaa, saddexdii organba wuxuu isku darsaday, wuxuuna waddankii ka dhigay Muuse nin kaleiya (One man Show ) , annagu taas yeelimayno, haddii aan bisha September laga heshiin doorashadii Madaxweynaha Muuse Madaxweyne nooma aha.” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in marka ay isaga iyo murrashaxa WADDANI is barar joogaan aannay ahayn in laga dhigo laba nin oo isku xaafad ah, isagoo yidhi, “Shacbiga Somaliland, waxaan u sheegayaa markaan anniga iyo Cirro is ag taaganahay innuu Muuse idiinku sheekeeyo waa laba nin oo isku xaafad ah, waa khalad, waxa keliya ee isku kaaya keenay xilka, waxaan nahay laba nin oo tartamaya horena u tartamay, markii shalay Aadan Xaaji Cali iyo Muuse meel wada fadhiyeen, Sacad Cali Shire iyo Muuse meel wada fadhiyaan, General Nuux Taani iyo markay Muuse meel wada fadhiyaan ma nidhaano waa niman isku xaafada ee waxaan nidhaanaa waa masuuliyiin Somaliland ah oo xilku isku keenay, markaa taas ogaada oo ayaan Muuse idinku dhaqdhaqaanin, marakaan anniga iyo KULMIYE ahayn xulufada ee UDUB isku xulufaysanay reer Boorame ma lahayn waa niman isku xaafad ah.”

Guddoomiye Faysal, wuxuu sheegay in muddaharaadka aan maanta la tegeyn xafiisyo ee la tegayo Madaxtooyadda, waxaana lagu mudaharaadayaa halka baawarku joogo, isagoo yidhi, waxa noo yaala saddex qodob, in lagu muddaharaado Madaxtooyadda, Shir qaran iyo maamuus ka xayuubin Madaxweynaha ah, (Impeachment for President ) oo aannu diyaarinayno, waa saddex arrimood oo miiska noo yaal.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

“Muuse wuxuu samaynayaa Somaliland uu leeyahay, kana yeelimayno, laba degmo ayuu ku leeyahay laba guddoomiye Gebilay iyo Berbera, waa Qasa iyo Siinaay ee Biriish haw samaysto, inta kale annagaa maamul ka samynayna dawlad gaar ah , oo ay ku dhawaaqi doonaan labada Xisbi, kuwa ku taageerayaa ee masaakiinta aan Biyaha haysan ee cashuurtooda halkaad ku cunaysaan idinkoo aan waxba u qaban, waxaan arki doonaa halkaa ka heshaan.”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal wuxuu la hadlay xidhibaanada gollaha wakiillada, wuxuuna isagoo la hadlaya yidhi, “Baarlamaankoow haddaa taageertaan wuxuu Muuse wado xildhibaano noqonmaysaan, mushaharna qaadanmaysaan nin walba wuxuu tegayaa tuuladiisii, waxa halkan loo joogaa waa qaranimo, haddii aad baabiisaan oo nin u adeegtaan qaranimo ma jirayso.”

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray Guddoomiye Faysal, Ciidamada Booliska, isagoo sheegay in ay yihiin kuwii ay qoryaha u iibiyeen, Anigu inta aan u iibiyay qoryaha ee kagu qarameeyay way ka baddan tahay sodoneeyo, ayuu yidhi, balse wuxuu sheegay haddii la waayo midnimo oo qalalaase yimaado in la kala baxayo, ragga u sacabinaya ina Biixi waxaan leenahay khataraha innagu xeeran eega, ayuu raaciyay.

“Somaliland horana dhibaato iguma geysan, maantana u geysanmayno ee ka u geysanaya ayaanu ka qabanaynaa , wuxuu burburinayaa tacabkeenii iyo midnimadeenii, wuxuu kala dirayaa saldhigii ay ku fadhiday Somaliland, Saldhiga seeska Somaliland wuxuu ahaa deegaamada dhexe, iyagaa dadka darafyada ula yimi in lala soo noqdo qaranimadii, maanta hayday qaban waayaan ka khaldan oo xaafad xaafad noqotaan, maxay Awdal iyo Sool qabanayaan way idinka tegeyaan, waana la kala tegeyaa, idinkuna sidii 1964 ayaa xaafad xaafad isu dili doontaan.” ayuu yidhi, Gudodomiye Faysal.

Wuxuu sheegay in aannay aqbalayn guurtida waqtigoodii dhacay ee 19-ka sannadood fadhiyay oo maalinta la yidhaahdo kordhis baa jira soo toosa aannay aqbalayn waxa ay soo saaraan, sidaa awgeed wuxuu shacbiga usoo jeediyay in ay toosaan oo ay iska daayaan qabyaalada iyo kala qaybsanaanta, “Cudurka ina Biixi, waa kii uu qaaxa ku kala dilay ee Jabhad midaysan oo nidaam leh oo markii siyaad baxay in ay dalka dalka qabsato la waayay, Somaliland qaaxa noqonmayso, in hadyad laguu siiyo kordhis ma yeelayno, waa inaynu dalka midnimadiisa ilaashanaa, waa inaynu u midawnaaa sidii aynu u joojin lahayn, hadaad qaaxa cid kaga adkayd annaga naga adkaanmaysid waa iska kaa celinayaa , ciddii soo raacaysaa hasoo raacdo Muuse.” ayuu yidhi, Gudoomiyaha UCID.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com