Araweelo News Network.

Hargeysa(AMM)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Saddexdii xubnood ee ka hadhsanaa Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu.

Alt: Araweelo News Network
Saddexda xubnood ee la dhaariyay ee guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta qaranka, 8 Jun 2022, qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa xubnaha mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, isaga oo mid mid ugu dhaariyey inay si caddaalad iyo dhexdhexaad ah howsha Qaran ee loo igmaday u gudan doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha Eebbe uga baryey inuu hawshooda u fududeeyo, waxana uu kula dardaarmay inay degdeg ugudo galaan shaqada ballaadhan ee sugaysa.

Laxidhiidha: Somaliland: Gollaha Wakiillada Oo Ansixiyay Xubnaha Ka Dhinaa Guddida Diwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta

Saddexda xubnood ee maanta la dhaariyey, ayaa ku biiri doona  Afar xubnood oo hore loo dhaariyey hawshana sii waday, waxana sidaas ku dhammaystirmay toddobadii xubnood ee ay ka koobnaayeen Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda.

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadam Cilmi iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Dhinaca kale, Afar xubnood oo ka mid ah guddida ayaa hore loo dhaariyay, kaddib markii gollaha wakiilladu ansxiyay, waxaana sidaa ku dhammaystirmay toddobada xubnood ee guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta qaranka ee dhowaan Madaxweynuhu soo gudbiyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com