Araweelo News Network.

#WAADANI oo Gudbiyay Xubinta Kommishanka Doorashooyinka

 Hargeysa(ANN)-Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi xubinta guddida doorashooyinka qaranka ee ay magcaabisteeda leeyihiin.

Qoraal saxaafadeed koobban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi ka aqbalay magcaabista xubinta ka mid noqonay toddobada xubnoood ee guddida doorashooyinka qaranka ee ay usoo gudbiyeen xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu baaqay hay’addaha kale ee soo gudbinaya xubnaha guddida doorashooyinka in ay si deg deg ah usoo gudbiyaan, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaaadhay shebekaddaha Araweelo News Nretwork.

Qoraal saxaafadeedka  madaxtooyadda oo ku taariikhaysan 07/06/2022, ayaa lagu yidhi,

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay.” Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka oo tixraacaya TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, isla markaana ujeeddadiisu tahay Magacaabista Xubinta Kommishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Kommishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dhinaca kale, waxa lagu sheegay qoraal saxaafeedka in Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’addaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ugu baaqa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga ee xubnaha loogu gudbinayo gollaha wakiillada Somaliland.

Magcaabista xubinta cusub ee Kommishanka ee ay Madaxweynaha u gudbiyeen ayaan lagu xusin magaca xibintaa, waana xubintii u horaysay ee toddobada xubnood ee guddida doorashooyinki ka kooban yihiin, waxayna arrintan kusoo beegantaay maalmo kaddib markii ay xubnihii guddida doorashooyinku is casileen, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay muddooyinkii u danbeeyay.

Sidoo kale, waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo khilaaf weyn oo cirka isku shareeray u dhexeeyo xukuumadda iyo axsaabta qaranka, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada madaxtooyadda iyo furrista Ururrada siyaasada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com