Wasiirka Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ma Xoojinta Mucaaradkaa, Mise waa xeelad kale?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Naasir Caydiid, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Wasiir ku xiegeenka Naasir Caydiid oo maanta la hadlay Telefishanka Bulsho, ayaa xaqiijiyay inuu xilkaa iska casilay maanta oo taariikhdu tahay 6 Jun 2022, “waxaan xilkaaa hayay muddo saddex sannadood iyo dheerad ah, waxaanse caddaynayaa in maanta laga bilaabo aan iska casilay xilka, sababo ii gaar ah, wixii kalena dib ayaan ka sheegi doonaa,.” sidaa ayuu yidhi.

Masuulka xilka iska casilay, ma sheegin sababo cad oo ku ajburay inuu xilka iska casilo, isagoo xusay in wixii aan ka ahayn inuu maanta caddeeyo inuu xilka iska casilay, balse wixii intaa ka baddan uu gadaal ka sheegi doono, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkaa u magcaabay iyo wasiirkii arrimaha guddaha ee ay wada shaqaynayeen muddadaa.

Su’aalo iyo doodo ayaa ka dhashay is casilaada Naasir Caydiid, taas oo aan ahayn miiisaan weyn oo uu ku lahaa xilka xukuumadda ee muddada saddexda sannadood iyo dheeraadka ah, balse isa casilaadiisa, ayaa kusoo beegantay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumadda uu ka tirsanaa iyo labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID,

Ma cadda in tallaabada is casilaadiisu la xidhiidho khilaafka siyaasadeed ee sii xoojaysanaya oo ay suurtagl tahay inuu wax baddan dhinaca xukuumadda xog ogaal u ahaa qosheheeda ku waajahan mucaaradka, sidoo kalena uu dareensanyahay mawaaqifta kala fog ee labada dhinac, sidaana ku go’aansaday inuu iska banbaaniyo mawjado uu dareemay oo ay sababi karaan arrimaha sii murgaya oo uu dhanka mucaaradka la safto, ama maddaxiisa ka ka leexiyo mawjadahaa.

Khilaafka xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka oo salka ku haya arrimaha doorashada Madaxtooyadda ee ku beegan 13 November 2022, iyo muddada sharciga ee Axsaabta oo dhammaadkeedu ku bergan yahay December 2022, iyadoo xukuumaddu ku dooday in la galo tartanka Uruurada iyo axsaabta, si markaa kaddib doorashada Madaxtooyadda loo qabto, balse axsaabta mucaaradka ayaa aragtidaa iyo dooda xukuumadda si weyn uga qaylinay, iyagoo ku doodaya in aan lasoo qadimin tartanka Ururrada siyaasada ee doorashooyinku sida ay u kala horeeyaan loo qabto, isla markaana waxay xukuumadda ku eedeeyeen in qorshaha ay sidaa u samaynay yahay mid ay ku doonayso muddo korodhsi iyo in lagu baabiiyo labada Xsibi mucaarad.

Dhawaaqyo ay ku baaqayaan mudahaaradyo ayay labada Xisbi mucaarad maalmihii u danbeeyay ku baaqayeen, wallow ay xukuumaddu si cad u diiday, iyadoo ku sababaynay in muddaharaadtyadu aannay ahayn kuwo loo baahan yahay oo sabab u noqon kara in ay fawdo iyo nabadgelyadaro abuuraan, sidaa awgeed aannay marnaba aqablayn.

Arrimaha khilaafka ayaa u muuqda kuwo ay ka duwan yihiin kuwo marar baddan xilliyada doorashooyinku soo dhowaadaan ka dhaca Somaliland, balse khilaafka xilligan wuxuu u muuqdaa inuu mid weji duwan khilaafyadii hore ee xilliyada doorashooyinka Somaliland soo dhowaadaan saaxada siyaasada hadhayn jiray, sababtoo ah khilaafkii ka dhashay natiijadii doorashada Madaxtooyadda ee 2017, iyo weliba ladh hore iyo hurgumooyin ayaa noqday kuwo uu khilaafka xilligan soo kiciyay, iyadoo dhawaaqyada warbaahinta qaarkeed laysu marinayay muddooyinkii u danbeeyay abuureen cunfi siyaasadeed oo beelaysan, isla markaana muujiyay muuqaal aan wanaagsanayn oo bulshada wer-wer ku abuuray.

Xilliyada khilaafka siyaasadeed Somaliland sidan oo kale waxa saaxada soo geli jiray shaqsiyaad iyo haldoor Bulshada magac iyo karaamo ku leh oo dhinacyada khilaafka isaga dab qaadi jiray si ay xaaladda u dejiyaan oo xal looga gaadho waxyaabaha salka u ah khilaafka iyo arrimaha laysku hayo ee masiirka ummadda, balse xilligan ma muuqdaan kooxahaasi, wallow dhowaan ay ahayd markii mucaaradku dhawaaq dheer ku diideen dhexdhexaadin ay sheegeen in ay xukuumadda iyo axsaabta ka dhex wadeen Hay’adda maxaliga ah ee SONSAF iyo Akadeemiyadda Nabada.

Laxidhiidha: Mucaaradka Oo  Sheegay In Aannay Kalsooni Ku Qabin Dhexdhexaadinta SONSAF iyo APD  Ee Madaxweynaha Iyo Xisbiyada

Guddida diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa la dhammaystiray, kuwaas oo qaybtii u danbaysay gollaha wakiiladu ansixiyeen, laakiin guddida doorashooyinka qaranka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxay, iyadoo xilliga doorashada maddaxtooyadda wax ka yar shan bilood ay ka hadheen, khilaaf soo kala dhexgalay guddida ayaa sababay in ugu danbayntii ay is casilaan lix xubnood oo ka mdi ahaa tooddobada xubnood ee ay ka koobban yihiin, waxayna mucraadku ku eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne Biixii in ay sabab u tahay khilaafka sababay burburka ee guddidii doorashooyinka, balse eeddahaasi maaha kuwo ay caddaymo raaciyeen mucaaradku, waxaase si cad u muuqata in arrimaha dhacdooyinka noocan ah ay yihiin kuwo sii xoojinaya khilaafka cakiran ee mucaraadka iyo xukuumadda, waana astaamo si cad u muujinaya in aannay doorashada Madaxtooyaddu ku qabsoomayn 13 November 2022, sidaa awgeed ay xukkuumadda Madaxweyne Biixi fursad u aragto muddooyinka isku soo dhowaanaya in qabyada afka soo kala qaaday ee guddidii doorashooyinka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland xilligan waxay gashay xaalad siyaasadeed oo cabsideeda leh, waxayna dhammaan arrimaha socdaa noqdeen kuwo wer-werkooda leh, kuwaas oo ay ka dhalankarto xasiloonidaro, ama ugu yaraan sumcada ay Somaliland ku lahayd duniida ee dhanka xasiloonida amniga iyo dimuqraadiyada doorashooyinka wax weyn u dhimi kara, sidaa awgeed waxa la gudboon dhinacyada xukuumadda iyo Axsaabta mucaaradku in ay xaaladda dejiyaan oo aannay burburin, amma wiiqin tacabkii ummadda iyo qaranimadii lasoo tidcayay 31-ka sannadood, iyadoo waajibka koowaad iyo amsuuliyada ugu weyn ay saaranatahay xukuumadda,gaar ahaan Madaxweyne Biixi oo ay lagama maarmaan tahay inuu muujiyo debecsanaan, isla markaana miiska wadahadalka lagu dhammeeyo arrimaha masiiriga ah ee khilaafka siyaasadeed sababay, mucaaradkuna waa inay dhankooda sameeyaan dhega-nuglaan iyo debecsanaan, iyadoo la eegayo maslaxada danta guud ee qaranka, xaaladda iyo duruufaha ku xeeran dalka iyo dadka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com