“Mudaharaad nabadeed waa xuquuq dastuuri ah. Qofna taas nagama qaadi karo.” Xoghayaha WADDANI

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI, ayaa sheegay in aannu wax kalsooni ah ku qabin Hay’addaha SONSAF iyo Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka oo ay sheegeen in ay ku hawlan yihiin sidii ay xal dhedhdhexaadin ah uga smayn lahaayeen xaaladda cakiran ee siyaasadeed.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaradka Khadar Xuseen Cabdi, ayaa si cad u sheegay in aannay marnaba wax kalsooni ah ku qabin dhexdhexaadin iyo ergayn ay labadaa Hay’adood ee SONSAF iyo Akademiyadda Nabadda ka wadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo axsaabta mucaraadka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, Isniintii, wuxuu ku yidhi, “SONSAF iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarkaba waa hay’ado dhinac ka raran oo aan awood u lahayn inay dhex dhexaadiyaan madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ah. Wax aamin ah kuma qabno dhexdhexaadnimadooda xisbi ahaan.”

Sidoo kale, Xoghayaha WADDANI, wuxuu difaacay mudaharaadka ay ku baaqeen labada Xisbi oo ay 29 May 2022, u saareen guddi ka kooban labada xisbi mucaraad oo sida ay sheegeen diyaarinay qorshaha mudaharaadka.

 “Mudaharaad nabadeed waa xuquuq dastuuri ah. Qofna taas nagama qaadi karo. Ma jiro wax ka xoog badan iska caabin aan rabshad lahayn; Reer Somaliland waa dad xadaarad leh oo fahma qiimaha ay nabaddu leedahay, waana sababta ay u dalbanayaan in doorashada madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda.” Ayuu yidhi, Xoghayaha WADDANI.

Dhinaca kale, wuxuu  tilmaamay in Qiimaha badeecaddaha Somaliland in ka badan laba jibaarmeen sannadihii u dambeeyay, isagoo ku dhaliilay qaabka ay xukuumaddu uga jawaabay duruufaha ka jira dalka.

“Qiimaha Badeecadduhu waxay laba jibaarmeen sannadihii u danbeeyay. Runtii dadku waxay la tacaalayaan sidii ay biyo iyo cunto u iibsan lahaayeen, inkasta oo Madaxweyne Biixi ku andacoonayo in aanu sicir-barar jirin oo si khaldan loo sheegay. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa xiisadda siyaasadeed ku soo kordhinaya, ayuu yidhi, Xoghyaha WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com