Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha gollaha wakiillada, ayaa saaka la hor kenay saddex xunood oo ka mid ahaa toddobada Xubnood ee guddida diiwaangelinta iyo ansxixinta Ururrada, kuwaas oo waayay codkii ay ku ansixi lahaayeen 24 May 2022, iyadoo xilliga golluhu cod aqlabiyad ah ku ansxiyay Afar xubnood oo keliya.

Hase yeeshee Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale usoo gudbiyay gollaha wakiillada saddexdaa xubnood, kuwaas qayb ka ah guddia ansxinta Ururrada iyo Axsaabta qaranka.

Laxidhiidha: Gollaha Wakiillada Oo Kala Reebay Xubnaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta

Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, ayaa natiijada codadka ka xaadiriyay fadhigii gollaha, isagoo ku dhawaaqay in ay saddexda xubnood ee kala ah, Maxamuud Axmed Obsiiye Siciid Maxamed Cilmi Xaaji Afweyne, iyo , Mukhtaar Cabdi Jaamac, kuwaas oo helay kala badh codadka xildhibaanada.

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa 24, May 2022, la horgeeyay fadhigii gollaha, nalse waxa ka dhashay sawaxan iyo buuq sababay gacan ka hadal, waxaana helay codadkii loo baahnaa Afar xubnood oo keliya, kuwaas oo kaal ahaa ahaa Maxamuud Xasan Badde,  Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad iyo Cabdalla Ibraahim Maxamed,

Laxidhiidha: Guddida Diiwaangelinta Ururrada Oo La Dhaariyay

Afarta xubnood, ayaa la dhaariyay durbadiiba maalin kaddib , iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed dhaariyay xubnahaa.

Xukuumadda iyo axsaabta qaranka ayaa isku maan-dhaafasan arrimaha doorashada, waxayna arrimaahn dhacayaan iyadoo guddida doorashooyinka lix xubnood oo ka mid ah tdoddobada xubnood dhowaan is casileen .

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com