Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaradka, ayaa ku kala kacay kulan qasriga Madaxtooyadda laysku hor fadhiistay oo la doonayay in xal loogu helo khilaafka cakiran ee ka taagan murranka arrrimaha doorashooyinka.

Kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa labada xisbi ee mucaaradka ku weheliyay hoggaanka Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, iyo sdioo kale La Taliyaha Madaxweynaha Cali Maxamed Warancade oo sabab u ahaa kulankaa.

Hase yeeshee kulanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka mucaraadka ayaa burburay, iyadoo aannay jirin wax natiijo ah oo laga gaadhay, wuxuuna ku dhammaaday hungo iyo in lagu kala kaco, iyadoo waxba layska meel dhigin arrimihii la doonayay in xal loogu helo ee khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Xsibiga mucaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Maadxweynaha ay ula tageen shan qodob oo sal u ah in doorashadu waqtigeedii dhacdo, sida Kommishanka doorashooyinka oo sida uu sheegay la geliyay buuq, diiwaangelintii in waqtigeedii la bilaabo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in waxyaabaha ay ula tageen Madaxweynaha ay ku jireen in faragelinta laga ilaaliyo Kommishanka oo la dhawro madaxbanaanida guddida doorashooyinka iyo xilka Agaasimaha guud oo la baahiyo sidii ay ahaan jirtay oo aan ahayn qof laspp magcaabo.

Hase yeeshee wuxuu sheegay Eng. Faysal in Madaxweynuhu qorshihiisii u degsanaa ee ahaa inuu Ururrada furo oo keliya ay ka go’anayd, mana ahayn Madaxweynaha aan arkay mid diyaar u ah doorasho iyo wadahadal ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, isla markaana ah guddoomiye ku xigenka koobaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin, ayaa ka hadlay kulankaa xalay ka dhacay qasriga Madaxtooyadda, wuxuuna sheegay in ay jireen kulamo hore.

Wasiirka arrimaha guddaha, wuxuu sheegay in labada xisbi Madaxweynaha kala hadleen saddex arrimood oo kala ah, arrinta furista Ururrada, arrinta doorashada iyo arrinta guddida doorashooyinka qaranka, sidaa awgeed, wuxuu sheegay waxay Madaxweynaha u sheegeen in guddida uu Kommishanka u saaray ay u arkaan faragelin, sidoo kale, ay furista Ururrada u arkaan mid sharrcidaro ah iyo arrinta doorashada madaxtooyadda oo gaabinaysa.

Hase yeeshe, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu arrimahaa kaga jawaabay in uu qaab sharci ah u maray arrimaha furista Ururrada iyo Guddida uu Kommishanka u saaray, wuxuuna ka dalbaday labada xisbi mucaarad in haddii ay hayaan qoddobo sheegaya in aannay waafaqsayn sharciga ay keenaan, sidaa awgeed Maxamed waxa uu qoray in aannay Madaxweynaha iyo labada xisbi mucaarad waxba isla meel dhigin.

“Annaga Xisbi ahaan way diideen in aannu arrinta doorka aannu ku leenahay xisbi ahaan meesha ayay ka saareen, laakiin waxaan u deynay si xl loo gaadho arrinta markay ku adkaysteen in aanan ku murmin madaxweynaha hortiisa.” ayuu yidhi, Maxamed Kaahin, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin oo ay filayaan in ay sii scodaan wadahadaladu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com