“Waxaan ahay Nin sanduuqii tartanka doorashadda loo diidanyahay,. ” Cabdiraxmaan Cirro

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, ayaa sii xoogaysanya, iyadoo marba marka ka danabaysa, ay soo baxayaan dhawaaqyo warbaahinta laysu marinayo oo sii huruniya xiisadda ka dhalatay arrimaha doorashada nadaxtooyadda iyo furusta Ururrada siyaasada iyo axsaabta qaranka.

Kulankii u danbeeyay ee qasriga Madaxtooyadda ee la doonayay in ugu yaraan lagu dejiyo jawiga cakiran ee siyaasada, isla markaana Madaxweyne Biixi iyo labada xisbi murcaarad ee WADDANI iyo UCID isku hor fadhiisteen 24 May 2022, ayaa gebi ahanba fashilmay, waxaana lagu kala dhaqaaqay, iyadoo aannay jirin gar iyo garawshiiyo uu dhinacna dhinaca kale u muujiyay.

Laxidhiidha: Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Oo Ku Kala Kacay Kulan Xal Loogu Raadinayay Khilaafka Cakirin

Wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed , sisla markaana ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga muxaafiska ee KULMIYE, oo shalay ka hadlayay kulanka qasriga Madaxtooyadda ee habeenkii Arbacadi 24 May 2022,i, ayaa sheegay inkasta oo aan wax laysla meel dhigayj kulanka Madaxweynaha iyo lhoggaamiyayaasha labada xisbi, balse waxa uu carabka ku dhuftay in laysklu soo laabanayo Axadda, balse guddoomiyaha xsibiga mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si cad iu sheegay in aannay jirin sabab ay mar kale ugu tagaan Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Guddoomiye Faysal, wuxuu arrintaa sabab uga dhaigay qaabka ay xukuumaddu dhaqmayso iyo ficilada ay isticmaalay oo sida uu sheegay meesah ka saaraya in wax walba suurtagal ka dhigi kari lahaa wadahadal sii socda.

“Kuuma iamanmayno, Niman aan sharci ahayn ayaa qaabisheen oo aan Ururro ahayn, Guddidii diiwaangelinta ayaa dhaariseen, qorshihiinu waa imid cad waxa doonnaysaan inaa kuwaa nagu bedeshaan. shacbiga waxaan u sheegaynaa haddii Muuse iyo Maxamed Kaahiin joojiyeen rukumadii doorashooyinka, annaguna waxaan qaadaynaa tallaabo kasta ooi dalka lagu badbaadin lahaa.” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu ka dayriyay dariiqa uu sheegay in dalku marayo, isagoo ku celceliyay in dariiqa la marayaa yahay dariiqi ay Somaliland hore usoo aragtay 1994-kii, sidaa awgeed, wuxuu ku dooday in ay samaynayaan qorshe kasta oo dalka lagu badbaadinayo.

Murrashaxa doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee xsibiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabduklaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa dhankiisa sheegay in kukanka ugu danbeeyay ee ay la yeesheen Madaxweyne Biixi ku dhammaaday guuldaro.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in qorshayaashii ay ula tageen Madaxweynaha oo la xidhiidhay aeeinta kommishanka qaranka,faragelinta laga daayo, agaasimaha kommishanka qaranka si madaxbanaan loo qaato oo laga daayo in Madaxtooyadda laga soo magcaabo, sidoo kale arrinta Ururrada iyoa xsaabta si arrimaha khilaafka ee doorashada laysula meel dhigo.

Murrashax Cabdiraxmaan, wuxuu ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi iyo wasiirradiisu doorashada Madaxtooyadda ee ku taariikhaysan 13 November 2022, iyo doorashadda Ururrada iyoa xsaabta oo ka danbaysa ay soo kala horaysiinayaan.

“Somaliland waxay mudnayd in ay hesho dawladnimo inoo rumaysa, riyooyinkii iyo higsigii nimcadu ka buuxday, Somaliland waxay mudantahay dawladnimo iyo xukun meerto ah, la wada leeyahay, loo wada simanyahay, ina wada deeqa oo aan laysku faquuqin. Somaliland ma mudna in qof keliyi ka dhigto shaadh uu isagu tosho, wayna ka weyntahay, mana mudna in aan qaadno jidkii digtaytarka. halganka dheer lala galay.” ayuu yidhi.

Murrasharax Cabdiraxmaan, wuxuu sheegay in uu isagu yahay murrashax doorasho inuu kursiga ku fuulo doonaya, balse aan doonayn inuu jujuub ku helo kursiga, isagoo yidhi, “Anniga xsibigayga iyo shaqsi ahaantaydaba, waxaan u taaganahay wadajirka, midnimada, wax wada lahaanshaha, iyo horrumarka Somaliland, dal iyo dadba, mana ihi nin raba inuu Kursiga ku fuulo tartan la’aan iyo jujuub, waxaanse ahay Nin sanduuqii tartanka doorashada loo diidanyahay oo leh sanduuqii inoo dhig aan tartanee,.” ayuu yidhi. Cabdiraxmaa, wuxuuna intaa raaciyay in marhadii aannu doorasho qabanayn axsaabtiina baabiiyay, anniguna waxaan leeyahay “Nin ku yidhi, sinaanmayno adna buri saraysiinta”

Murrashaxa WADDANI, ee doorashadda Madaxtooyadda, wuxuu sheegay in axsaabta mucaaradku in baddan ka digayeen marxalada maanta dalku marayo, waxaanu gollayaasha qaranka u qornay qoraal aannu xaaladdan kaga hadlayno, waxaase innagu waajib ah ayuu yidhi, innaynu wada difaacano dawladnimada aynu wada lahayn “Muuse “ka hor, kaddina aynu wada yeelan doono, waxaana innagu waajib ah in aynu ka hortagno doonista guracan iyo keligii taliye doonaya inuu xoog innagu haysto” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Somaliland gudda iyo dibedba in ay u midoobaan oo ay meel uga wada jeestaan so loo badbaadiyo qaranka.

Dhawaaqyada mucaaardka, waxaa barar socda dhawaaqyo kale oo warbaahinta loo marinayo xukuumadda, kuwaas oo xanbaarsan hanjabaado deegaamaysan, isla markaana xaaladda uga sii daraya oo ishaaraya ifafaale collaadeed oo shacbiga dhega barjeeyay, balse dhawaaqyo kale oo dhinacyada xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ugu baaqaya in la dejiyo xaaladda oo miiska wadahadalka lagu dhammeeyo khilaafka, ayaa kasoo muuqday warbaahinta, kuwaas oo ka digaya wax kasta oo sii murgin kara xaaladda kacsan ee siyaasadeed, isla markaana saamayn ku yeelan kara nabadgelyadda, degannaanshaha iyo xasiloonida lagu majeerto Somaliland ee ay kusoo caana maashay 31-kii sannadood ee ay jirtay.

Baaqyada xanbaarsan farriimaha nabadeed ee kasoo yeedhay Madaxdhaqameedka Togdheer qaarkood, ayaa ku booriyay qaybaha kale ee Bulshada in Madaxdhaqameedka iyo waxgaradku muujiyaan doorkooda sidii arrinta loo dejin lahaa, si dalka looga badbaadiyo khilaaf siyaasadeed oo waxyeela nabada iyo deganaanshaha dalka, balse ma muuqdaan dedaalo la doonayo in xal loogu helo khilaafkan, iyadoo xilliyadan oo kale marka ay yimaadaan khilaafyo siyaasadeed saaxada lagu arrki jiray dhaqdhaaqyo dhexdhexaadineed oo inta baddan iskood isu abaabuli jiray, kuwaas oo inta baddan xalka ku guulaysan jiray, balse xilligan ma muuqdaan kooxaha xilliyadan oo kale la araki jiray.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com