Cabsi Soo Waahanday Caasimadda Kyiv

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Millateriga Ruushka, ayaa xoojiyay dagaalka saddexda bilood maraya ee ay ka wadaan guddaha dalka Ukraine magaalada labaad ee ugu weyn ee Kharkiv, ayaa hadda u muuqata mid cabsi weyn waajahay.

Sidoo kale, caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa dadku si weyn uga muujinayaan wer wer, iyadoo dagaalka Ruushku ka wado halkaa sii xoojinayo, isagoo doonaya inu gebi ahaanba xidho albaabada si loo godoomiyo caasimadda Kyiv.

Duullaanka ku waajahan gobolka Donbas ee bariga Ukraine, ayaa suurtageliyay in Millateriga Ruushku oo qaadaya weeraro ay qabsadaan tobanaan magaalo oo ku yaala Luhansk iyo Donetsk.

Magaalada muhiimka ah ee warshaddaha caanka ku ah ee Severodonetsk waxay ku jirtaa meelaha laga cabsiqabo in ay u gacan galaan ruushka, sida ay xaqiijinayaan warbaahinta reer galbeedka ee ku sugan gobolka.

Waxa lasoo sheegayaa in Severodonetsk ku jirto khatar sii kordheysa oo ah inay gebi ahaanba ku hareeraysan yihiin ciidamadda ruushku, wallow warakii ugu danbeeyay sheegayaan in Ciidamada Ruushka guul ka sheeganayan magaalada muhiimka ah ee Severodonetsk ee bariga Ukraine oo ay gacanta u gashay saacadihii u danbeeyay.

Saraakiisha ciidanka Ukraine ee ka dagaalamayay Severodonetsk ayaa sheegay in 90 boqolkiiba dhismayaasha halkaas ku yaalla ay ku waxyeeloobeen duqaymaha joogtada ah ee Ruushka, waxayna ku andacoonayaan in magaalada si nidaamsan loo burburiyay oo dhulka lala simay.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy waxa uu dalalka reer galbeedka ka dalbanayaa in lala soo gaadho hub culus, isaga oo xaaladda Donbas ku tilmaamay mid aad u adag.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin aan loo ogolaan karin inuu ku guulaysto dagaalka Ukraine.

Olaf Scholz, wuxuu sidaa ka sheegay Khudbad uu ka jeediyay Madasha Dhaqaallaha Adduunka ee Davos, Switzerland, Scholz wuxuu ku celceliyay taageerada waddankiisu u hayo Ukraine.

Hase yeeshee Olaf Scholz, kama jawaabin mana soo hadal qaadin dalabaadka Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ku dalbanayo hubka culus.

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, wuxuu dagaalka Ruushku ka wado Ukraine ku tilmaamay mid doorka ugu weyn ku leh cunno yarida caalamku waajahayo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com