Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay muddaharaadka ay labada xisbi ee mucaaradku u asteeyeen August 11, 2022, kaddib markii ay Axaddii shalay sidaa ku sheegeen qoraal ay u gudbiyeen wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo ay la wadaageen saxaafadda.

Laxidhiidha: Mucaaraadka Oo Cayimay Muddaharaadka Xukuumaddu Ka Digtay

Hase yeeshee wasaaradda Arrimaha guddaha ayaa ka jaaabtay baaqa muddaharaadka ay labada xisbi ee WADDANI iyo UCID dalbadeen, waxayna sidaa ku war-qoraal kooban oo ay soo saartay kaga hadashay dalabka mucaaradka ee muddaharaadka.

Qoraalka kasoo baxay Isniintii wasaaradda oo kooban, isla markaana wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed ku saxeexnaa, ayaa lagu sheegay in dalabka mucaaradka ee muddaharaadka ay ku magcaabeen “Badaada Somaliland” ay ka wada hadlayaan labada guddoomiye ee labada Xisbi Mucaarad.

“Tixraaca warqada ku taariikhaysan 7 August 2022, ee ay ku saxeexnaayeen labada guddoomiye, ujeeddanu tahay wargelinta dib u bilaabida banaan-baxyada “Badbaada Somaliland”, ee xisbiyada mucaaradka, sidaa darteed si aynu uga wadahadalo arrimaha ku xusan qoraalkiina si waafaqsan xeerarka dalka, waxaan idinku wargelinayaa in aynu isugu nimaadno kulan degdeg ah.” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha guddaha.

Sidoo kale, qoraalka wasiirka ayaa lagu xusay in labada guddoomiye ee UCID iyo WADDANI ay yimaadaan wasaaradda arrimaha guddaha maalinta Salaasada ee 9 August 2022, subaxnimada xafiiska wasiirka si looga wadahadlo arrimaha dalabkooda ee muddaharaadka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com