Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa cayimay maalinta ay u asteeyeen muddaharaadka ay hore ugu baaqeen oo ay si dhab ah maanta u shaaciyeen maalinta loo asteeyay, wallow xukuumadda Somaliland marar baddan ka digtay, iyadoo ku tilmaantay in aannu sharci ahayn.

Hase yeeshee Labada guddoomiye xisbi ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si dhab ah u shaaciyay xilliga loo asteeyay muddaharaadka, waxayna sidaa ku sheegeen qoraal ay wadajir usoo saareen maanta oo ku taariikhaysan August 7, 2022.

Guddoomiyayaasha labada Xisbi, waxay qoraalka ku shegeen in muddaharaadku yahay mid qodobka 32aad ee dastuurka faqradiisa 2aad xaq u siinay in ay sameeyeen isu soo bax ay ku muujinayaan dareenkooda.

Laxidhiidha: : Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Oo Ka Shiray Xaaladda Dalka

Muddaharaadka, waxay labada guddoomiye ku xuseen qoraalkooda in uu yahay “Badbaado Qaran”, iyagoo xusay in uu dalka ka qabsoomayo 11, August 2022, taas oo ku beegan laba toddobaad kaddib.

Qoraalka ay labada Guddoomiye ku saxeexan yihiin ee lagu shaaciyay muddaharaadka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, halkan hoose ka akhri.

Alt: Araweelo News Network
Qoraalka Labada Xisbi mucaaradku ku shaaciyeen maalinta loo cayimay mudaharaadka, 7 August 2022, Araweelo News Network

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com