Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa shaki iyo su’aal gelisay wadashaqaynra gollaha cusub ee Wakiillada Somaliland, kaddib markii gollaha wakiilladu dib ugu celiyay Madaxweyne Biixi masuuliyiin mudda dhaafay ee ay diideen in la horkeeno.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda oo ka hadlayay arrinta masuuliyiinta mudda dhaafka ah ee Madaxweynaha lagu celiyay maanta, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi dib usoo magcaabay masuuliyiintaa isla maanta 2 Jan 2022.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Dib U Magcaabay Masuuliyiin Gollaha Wakiilladu Ku Celiyeen

Balse, wuxuu sheegay in shirguddoonku shalay tan diidanaa Xeerka Uruurada Siyaasada oo sida uu xusay 46 muddane ku dooddayeen in uu mudda dhaafay, sidaa aweed, wuxuu sheegay in arrinta maanta Masuuliyiinta mudda dhaafka ah shirguddoonku soo celiyay, isagoo ta hore ee xeerka diiday sida uu ku dooday Wasiir Koore oo maanta warbaahinta la hadlay.

“waxaa dib-u-eegis ama milicsi leh in shirguddoonka, ama gollaha wakiilladu arrintii masuuliyiinta ay soo celiyeen ka horraysay ee furista Ururrada Siyaasada ay ku sheegeen muddo dhaa 46 Xildhibaan, waxay ahayd in sideeda loo fuliyo maadaama ay caddeeyeen in ay mudda dhaaf uu ahaa.”ayuu yidhi.

Hase yeeshee wuxuu sheegay Wasiir Koore in arrintaa shirguddoonka golluhu si toos ah uga hor yimi, oo aannu aqbalin inuu faafiyo mudda dhaafkii sharciga ahaa ee xildhibaanada inta aqlabiyada ah codsadeen, sidaa awgeed wuxuu ku doodday in wax lala yaabo ay tahay arrintaasi.

“waa wax lala yaabo in shirguddoonku mudda dhaafka 46-ka muddane caddeeyeen aannu aqbalin, tana uu aqbalay inuu dib usoo celiyo,.” ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayay arrinta masuuliyiinta mudda dhaafka ah ee Madaxweynaha lagu celiyay maanta.

Saleebaan Koore, wuxuu sheegay in loo baahnaa in labada golle Wakiillada iyo Xukuumadda loo baahnaa in ay isu soo dhowaadaan oo ay noqdaan laba waaxood oo dawladda Somaliland ah oo wada shaqeeya, balse wuxuu dareen shaki iyo su’aal ka muujiyay qaabka ay u wada shaqaynayaan wakiiladda iyo Xukuumaddu.

“Haddii shirguddoonku shalay tan diidanaa (Xeerka Uruurada Siyaasada), maanta tan (Masuuliyiinta mudda dhaafka ah ) soo celiyay macnohooduna isku in xanbaarsanyahay, sidee ayay noqonaysaa xaaladda iyo wadashaqaynta, ma waxay noqonaysaa mid qof jeclaysi ah, mise mid qaranka Somaliland iyo dantiisa laga eego ayay noqonay, waxaan u deynayaa jsu’aasha shacbiga Somaliland, ayuu yidhi.

Hase yeeshee Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, Saleebaan Cali Koore, wuxuu sheegay in uu ku talinayo in qaran ahaan aan la noqon dad marba danta shaqsiga ka eega wadashaqaynta, balse laga eego Dastuurka iyo wixii ummadda danteedu ku jirto.

Dhinaca kale, Xeerka furiska Ururrada Siyaasada iyo axsaabta, ayaa ahaa tijaabadii u horaysay ee xukuumadda Madaxweyne Biixi gollaha uso tidicdo, iyadoo Madaxweynuhu gollaha kusoo celiyay xeerkaa oo muddadii dastuuriga ahayd ee uu xaqa u lahaa ku celinta dhaaftay, sida ay ku doodayaan 46 xildhibaan oo Maxakamadda sarre u gudbiyay, kaddib muran dhinaca sharciga ah iyo khilaaf uu ka dhex abuuray gollaha xeerkaasi oo sababay in aannay muddo laba todobaad ku dhow wax fadhiyo ah yee;laan.

Arrintaa durbadiiba saaxada siyaasada soo dhigtay in aannay ka madhnayn khilaafka gollaha xukuumadda Madaxweyne Biixi, iyadoo mucaaradku si weyn ugu eeddeeyeen, wallow Madaxweynu iska difaacay eeddahaa oo ku doodday in aannu wax lug ah ku lahayn khilaafka, laakii nxukuumadda Madaxweyne Biixi iyo shirguddoonka ayaan isku san bannaanayn tan iyo markii lagaga guulaystay shirguddoonka gollaha wakiillada Somaliland, waxayna mucaaradku Madaxtooyaddu ku eeddeeyaan in ay qorshaynayso dariiq kasta oo ay meesha kaga saaray shirguddoonka gollaha, wallow su’aalo baddan ka taagan yihiin sida ay xukuumadda ugu suurta gelay arrintaasi xilligan raadkii doorashada loogu awood sheegtay qoyan yahay iyo sid ay u waajahay duufaano siyaasadeed oo ka dhalan kara arrintaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com