Araweelo News Network.

Qoraal Farriimo kala Duwan Xanbaarsan oo kasoo Baxay Xukuumadda

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aannu jirin wax heshiis ah oo laga gaadhay kulanka lagaga hadlayay muddaharadyada ay dalbanayeen mucaaradku, wallow ay maanta sheegeen in loo ogolaaday qabsashada muddahaaradyada.

Laxidhiidha: Mucaaradka Iyo Xukuumadda Oo isla Waafaqay Muddaharaayada

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay kulanka ay maanta ee dhexmaray Wasiirka Wasaaraddaa Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan xubno gollaha wasiirrada ah iyo masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Kulankaa oo lagaga hadlayay muddaharaadyada ay dalbadeen mucaaradku, ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Guddaha, iyadoo markii kulanku dhammaaday ay masuuliyiinta mucaaradku warbaahinta u sheegeen in loo ogolaaday muddahaaradyada ay dalbadeen.

Laxidhiidha: Somaliland: Mucaaradka Oo Ku Gacansaydhay Dalabka Wasiirka Arrimaha Guddaha

Hase yeeshee qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha guddaha, ayaa lagu sheegay in nidaamka loo qaban karo Muddaharaadka ee wasaaradda iyo madaxda axsaabtu isla  ogolyihiin in ay ahayd in Magaalooyinka 6 Gobol ee waaweyn oo keli ah Xafiisyada ay ku leeyihiin xisbiyada mucaaradku ay ku qabansan karaan Muddaharadka.

Laxidhiidha: Mucaaraadka Oo Cayimay Muddaharaadka Xukuumaddu Ka Digtay

Hase yeeshee, waxa qoraalka wasaaradda arrimaha guddaha lagu sheegay in aan loo ogolayn meelaha bulshadu isagu timaado iyo shaaracyada.

Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu muujiyay in masuuliyada muddaharaadka iyo wixii ka yimaada arrintaa ay qaadayaan Xisbiyada Mucaaradka oo muujiyey sida ay u ogolyihiin sharciyada, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in aannu jirin wax go’aan ah oo laysla qaatay kulanka masuuliyiinta xukuumadda iyo mucaaradka, “Dood dheer kaddib , iyadoo dhinac walba laga eegay arrimaha taagan, waxaa la isla gartay in maalinta beri ah saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo la isugu yimaado  Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha JSL, iyada oo wada hadaladu ay halkaa ka sii socon doonaan, iyada oo aanay jirin wax go’aan ah oo la isla qaatay.”ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Guddaha oo uu

Kulankan waxaa xukuumadda ka qaybgalay

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo kulan shir gudoominayay.

2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore.

3- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

4- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Saajin.

5- Wasiirka Wasaaradda  Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Suufi.

6- Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere.

Dhinaca mucaaradka waxaa hogaaminayey Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga WADDNI, Axmed Cumar Xamarje iyo masuuliyiin kale oo  ka tirsan labada Xisbi ee Mucaaradka ah.

Agaasimaha Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Cabdullaahi Axmed Caarshe, ayaa warbaahinta la wadaagay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com