Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xannuunka Coronavirus iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

War-qoraalka, ayaa lagu sheegay in shirkaa warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Waxa kale ee lagu sheegay qoraalka kasoo Villa Somalia in Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ay  Gollaha warbixin ka siiyeen xaaladdaha amniga iyo Howlgallada la xidhiidha xasilinta dalka.

Warbixinaha ayay ku tilmaameen in guud ahaan ciidamadda qaranku ay u diyaar san yihiin sidii loo sugi lahaa amniga xilligan dalka ay ka dhacayso doorashooyinka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka laga sameeyey amniga, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dhinaca kale, waxa qoraalka kasoo baxay shirka gollaha Wasiirada lagu sheegay Wax-ka-badelka Hindise sharciyeedka habka maktabaddaha Soomaaliyeed oo soo gudbisay wasaaradda waxbarashada oo ay golluhu ansixiyeen, iyadoo sidoo kale la meel mariyay Hindise sharciyeedka arrimaha Xajka oo Wasaaradda Diinta iyo waqaaftu ay gollaha u soo gudbisay.

Gollaha ayaa warbixin faah faahsan oo ku saabsan laba kaclaynta xannuunka dunida kusoo laabtay ee COVID-19,  ka dhagaystay wasaaradda Caafimaadka oo dhankeeda ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo in lag fogaado wax walba oo ka qayb qaadan kara faafitaanka xannuunka.

Geba-gebadii Wasiirada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda oo safarro shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa gollaha uga waramay guullo ay sheegeen in laga gaadhay safarkooda, sida lagu sheegay qoraalka.