Araweelo News Network.

Gudubtaye kusoo noqo
Annaa Gaar U Yeeshee
Gobannimadu Taadiyo
Maaha Adi Go’aankaa
F.G. Maansadani waxa ku socotaa Farmaajo reer koonfureedka ka xun gooni isu taagga iyo ma luntee madax xoriyaddii Somaliland ka qaadatay Ingiriis 26kii Juun 1960kii. Waa maanso quus goyn ah.

By: Abdirahman Ismail

Beryihihii gumaadkii
Talis soo gabaabsiyey
Sannadkii Gaddoomaba
Gu ku biirsadkiisii
Hadba meel garaacii
Hadba qaab ku gaadhkii
Goaannada maroorka ah
Garashada saboolka ah
Ku gabraaradkiisii
Gurmadkiisa dhiigga leh
Wuxu gaasas diri jirey
Bulsho galalafkeedii
Ku gabbood falkeedii
Dambi aanay geliniyo
Gef u qooliddeedii
Biri kaanay geyiniyo
Gunnimada ku talax tegey
Guuraay qaxaaydii
Garaacii magaaliyo
Miyi goob la yaallaba
Iyo gebogebayntii
Ninka giir ka kiciyee
Gabbal baa ka dumayoo
Taariikhdu waa gabow
Laga guur is yidhiyow
Waxad geysataa yaal

Gobo’daasi waa dhiig
Googooskii sheekada
Sooyaalka guunka ah
Waa tii la geliyoo
Geedaha dushoodiyo
Gebiyey ku qoran tahay
Iyo guudka buuraha
Oo waa ma guuraan
Hadda garo nin seexdow
Ma gabbood falkaasaa
Godad lagu xabaaliyo
Biri goyn karaysaa
Ninkaan taasi garanee
Sida geed ismariskii
Hadba gibilka doorshow
Godobuhu ma lumayaan
Gudubtaye u soo noqo
Anaa gaar u yeeshee
Gobanimadu taadiyo
Hadba gole ka fuuliyo
Maaha adi go’aankaa

Geddii waagii baabkii
Gebgebta iyo selelkaan
Xornimada ka guureen
Geed ku laalay taydii
Anigoon isgaranayn
Xilka guudka saaroo
Somali gebigeed
Giddigeed mideeyoo
Gobannimo u raadcee
Waagaan go’aansaday
Galabtaa boqoolkii
Iyo guulkii dheeraa
Gefefkii is daba yiil
Yool aan la gaadheyn
Isu gowracaygii
Ninka iga gorgoriyee
Raadkeeda gurayoow
Ma gandoodo maantoo
Anna gama’ la’aantaa
Gaadh baan ku taagnahay
Gefkaad dhaansataa yaal
Guuxaaga beenta ah
Gacan haadintaadaa
Godob baan u qaatee
Ha ku guban ku dayistee
Gunti xume dantaadii
Gadantaye bal raadcee
Goob baadi weeyee

Haddii aanad gulufiyo
Ku maqnayn gilgiliday
Guushaydu kuu tahay
Gargaar iyo wanaagiyo
Garab kuu tirsamay iyo
Gacal laysku tiirsado
Garashadu ku nooshahay
Ama guri ba’aygiyo
Ka xuntahay gunnimaday
Adigoo gawaan yaal
Geed food la saariyo
Waa maxay galgalashadan
Galab noolba joogtaa
Kaama rabo garowshoo

Anna kaa gu weyniye
Geeddiga xidhiidhsoo
Guur oo walaaciyo
Gardarrada ka waantow
Ka hadh goohan riiqda leh

Gabayaa ka yaal hore
Xiddigtaa shan geesta ah
Shantii gobol walaalihii
Astaantaasi waa gaar
Gurmadkaygii weeyaan
Soomaali guudnimo
Gobonnimo u dooniyo
Isu geyntii aan rabay
Garan weydey waataad
Ku gembiday daboolkee
Gibir aad u bixiseed
Go’day oo ma noolee
Habeenkii galgaladkii
Galbiseed ka heestee
Godka lagu xabaalyow
Maxaad ani i goobtaa
Orodoo gilgilo oo
Geestaada ceebaha
Gurigaaga waxa yaal
Gumeysiga ku haystiyo
Waxan gaarka kuu xidhay
Godoonkaagan baandhee
Iska giiji shaqallada.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By: Abdirahman Ismail