Araweelo News Nework

Xasan Sheekh

Dar es Salaam(ANN)-Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ayaa u diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Inay siiso Viisaha dalka ku galka, kadib markii lagu wargeliyay in Sweden aanay aqoonsanay. Baasaboorka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassn Sheekh, ayaa Ujeedada Safarkiisa lagu sheegay si uu uga qaygalay Shir Ka dhacaya dalka Sweden, waxaana Xasan Sheekh iyo wafdi xildhibaano ah oo ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Sweden oo ay ku casuuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xidhan Xisbiga Shaqaalaha Sweden loo diiday in Baasaboorka loogu dhufto Visaha.

 

Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ayaa diidmeeda ah inay ku dhifato Baasaboorkiisa Soomaaliga ee Diblomaasiga Visaha dal ku galka, k sababaysay in aanay aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga, balse waxa markii danbe loogu bedelay oo loo ogolaadaywarqada dal ku galka.

Dalalka  Scandanavian-ka ayaan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga, tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe sanadkii 1991.