Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Taliska ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerar qorshaysnaa oo dagaalyahannada kooxda Al-shabaab la maagganaayeen ciidanka Ameerikaanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM shalay, ayaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerar xoogagga Al-shabaab doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan ciidammada Maraykanka ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Weerarkaas ayaa la sheegay in Al-shabaab damacsanaayeen inay ku beegsadaan ku dhawaad 50 askari Maraykan ah ciidammada maamulka Muqdisho iyo kuwa AMISOM ka caawiya dagaallada lagu jiro kooxdaas.
“Waxaan ka hortagnay weerar Al-shabaab soo qorsheeyeen oo lala damacsanaa ciidanka Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu xusay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyeen gudaha Soomaaliya weerar xagga cirka ah oo lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab toddobaadkan.
Weerarka diyaaradaha Mareykanku fuliyeen ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey kadib markii la helay xogo ku aaddan in Al-shabaab ay qorsheenayeen weerarro ka dhan ah xoogagga Ameerikaanka ka hawlgala waddanka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerar khasaare xooggan dhaliyey ku qaaday mid ka mid ah hudheellada waaweyn ee ku yaal magaalada Muqdisho maalintii Axadda ee toddobaadkan.