Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dedaal lagu doonayo in xal lagaga gaadho khilaaf ka taagan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada dalka Jamhuuriyadda Somaliland si loo hirgeliyo xeer lagu dooran karo xildhibaannada golahaas oo aan ilaa hadda diyaar ahayn, ayaa ka bilaabaya magaalada Hargeysa maanta Khamiista, haddii Ilaahay yidhaa.
Madaxda axsaabta siyaasadda, ayaa isku soo horfadhiisanaya kulan ay ku falanqayn doonaan sidii talo qaran oo heshiis lagu yahay looga gaadhi lahaa xeerka saami-qaybsiga Wakiillada, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo oo shir la yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI uu u xilsaaray xal-ka-gaadhista arrintan maalintii Salaasada.
Guddoomiyayaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI – Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhammaantood shaaciyey in ay ka aqbaMa
xweynaha codsiga u ka dalbaday, ismarkaana ayaan ka wadahadalka talo midaysan oo lawajaho hannaan lagu gali karo doorashada xildhibaannada Golaha Wakiillada.
“Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey oo uu na faray in saddexda xisbi qaran iyo ciddii kale ee looga maarmi waayaa ay galaan sharcigii Baarlamanka ee qabyada ahaa ee saami-qaybsiga inay iska arkaan oo sidii xal loogu heli lahaana iswaydiiyaan, waxaannu nagula dardaarmay in ciddii kale ee looga maarmi waayo sida Komishanka oo kale iyagana aannu doonanno. Madaxweynaha arrintaa waannu ka aqbalnay haddaannu saddexda xisbi nahay. Haddii Alle yidhaa saddexda xis bi ayaa iska arki doona galinka hore ee maalinta Khamiista (maanta), waxaannuna isla eegi bal arrintaa halka lagaga hagaagayo iyo sida la odhanayo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlayey kadib markuu dhammaaday kulankii Madaxweynuhu la yeeshay madaxda axsaabta.
Haddaba, kulankii u horreeyey ee arrintaasi laga yeelanayo oo ay ka qaybgali doonaan guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran iyo xubno kooban oo mid walba ka wehelin doonta xisbigiisa, ayaa ka furmaya xarunta Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland ee Hargeysa maanta.
Ma cadda ilaa hadda in kulankani ku koobnaan doono masuuliyiinta saddexda xisbi siyaasadeed ee dalka iyo in ay ku wehelin doonto cid kale oo ka socota dhinacyada kale ee arrintan iyo ta doorashadu khusayso sida Golaha Wakiillada iyo Komishanka Doorashooyinka ama cid ka wakiil ah hay’adaha ama dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ka taageera Somaliland doorashooyinka.

Dhinaca kale, warar xogogaal ah oo wargeyska Jamruuriya soo xigtay ayaa u xaqiijiyey in madaxda saddexda xisbi qaran ay la kulmi doonaan diblomaasiyiin ka socda dalal reer Yuhub ah oo lagu wado inay booqasho ku yimaaddaan Somaliland maanta.
Warku waxa uu sheegay in guddoomiyayaasha xisbiyadu la kulmi doonaan Safiirka dawladda Jarmalka ee arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland oo xilkaasi laga beddelay, iyadoo ujeeddadiisu tahay sidii loo macasalaamayn lahaa dublamaasigan shaqada ka tagaya, balse ma cadda in safiirku kala hadli doono madaxda axsaabta arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo in kale.