Araweelo News Network

britainiyosomalil;and
Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in aqoonsi la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland aannu wax saamayn ah ku yeelan doonin waddanka deriska ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda hay’adda khayriga ah ee Al-khair Foundation oo xaruntoodu tahay caasimadda London ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in aqoonsiga Somaliland faa’iido u yeelanayo dadka Soomaalida iyo dalalka bariga Afrika.
“Haddii la aqoonsado Somaliland ma jirayso Soomaali kala daadanaysaa, balse ay noqonayso xoog, wanaag iyo jaarnimo u soo kordha Soomaalida guud ahaan iyo bariga Afrika,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
 Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidoo kale u uga mahadnaqay masuuliyiinta hay’adda Al-khair Foundation booqashada iyo gargaarka dhinaca bani’aadanimo ee ay ka fuliyaan Somaliland, isagoo sheegay inuu aqbalay martiqaad ay u fidiyeen.
“Aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa booqashadiinna isugu jirta mid sharafeeda iyo mid shaqo eed iigu timaaddeen. Waxa kaloon idinka mahadnaqayaa mashaariicda biyaha ee aad gacanta ku haysaan, ahna meelaha bulshadaydu aad ugu baahan tahayiyo martiqaadka aad iigu baaqdeen… Martiqaadka aad i martiqaadeen waan tixgelinayaa, waanan idinka mahadnaqayaa, wanan ka fekerayaa insha Allaah,” ayuu yidhi Siilaanyo.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka weftiga ururka sama-falka ee Al-khair Foundation oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Fulinta (CEO) ee hay’addaasi Mr. Saif Ahmed, isla markaana ah safiir ka tirsan Madasha Hoggaaminta Caalamka Islaamka (Ambassador World Muslim Leadership Forum), ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida fiican ee uu u qaabilay, waxaannu agaasimaha hay’addu sheegay inay mashaariic samafal dhinaca biyaha ah ka wadaan dalka Somaliland.

Weftiga ayaa sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa ku marti-qaaday shirka caalamiga ah ee lagaga hadlo arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda islaamka oo markiisii 11aad ka qabsoomi doona caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysiya (11th International Conference on Islamic Economics and Finance (11th ICIEF) marka taariikhdu tahay 11 ilaa 13 October 2016.
Waxa kaloo Agaasimaha Fulintu bogaadin iyo ammaan u jeediyey madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sifeeyey hoggaamiye fiican, markhaatina uga dhigay Somaliland oo ay ka hano-qaadday dawladnimo taam ah, xaqna u leedahay aqoonsi caalami ah oo ay hesho.
“Madaxweyne, waxaan kaaga mahadcelinayaa si kal iyo laab ah qaabilaadda aad na qaabishay adiga iyo masuuliyiinta ku wehelisaba. Marka labaad, muddo imminka gaadhaysa ilaa toddoba sanno ayaan si khayriya uga hawlgelaynay dalka. Waxaan ceelal biyood ka qodnay ilaa shan degaan oo dalka ah oo saddex ka mid ah si buuxda biyaha looga cabbo, labada kalena dhaqso looga cabbi doono sida aan ku rajo weynahay. Waxa iyana aannu biyo dhaamin u samaynay meelo badan oo dadka danyarta ah deggan yihiin oo ay ka mid tahay xaafadda State House-ka ee caasimadda Hargeysa iyo meelo kale,” ayuu yidhi Mr. Saif Ahmed.
Waxa uu intaas ku daray, “Madaxweyne, waxaan si buuxda ugu qannacsannahay dawladnimada Somaliland oo aan u arko inay taabbo gashay oo ay gaamurtay, taasoo ku timi hoggaamintaada waayeelnimo iyo khibradaada. Waxaad istaahishaan in la idin aqoonsado. In laydin ictiraafaa bariga Afrika iyo inta Soomaalidu degtaba waxay ku soo kordhinaysaa xoog, wanaag iyo nabadgelyo, mana aha sida loo dhigo haddii la idin aqoonsado in Soomaalidu kala daadanayso.”
“Ha ka daalina, sii wada is-iibinta aad waddaan iyo dalabkiinna beesha caalamka ee kuwaajahan in la idin aqoonsado, kana qaybgala shirarka caalamiga ah oo qaddiyaddiinna ka sheegta, sida shirkan aan idinku macsuunnay ee Kuala Lumpur, Malaysia. Waxaan ahay 60 jir leh 35 sanno oo khibrad ah, waxaan ballanqaadayaa in aan ka qaybgalo ictiraaf-raadinta Somaliland,” ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Al-Khair Foundation (AKF).
 Ugu dambayn, masuuliyiinta Hay’adda Al-khair Foundation oo xarunteeda guud ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, xafiisna ku leh caasimadda Hargeysa, ayaa hadiyad guddoonsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana farta ka saaray waraaqaha martiqaadka rasmiga ee martiqaadka shirka caalamiga ah oo lagaga wadahadli doono arrimaha islaamka, kaas oo la sheegay inay ka qaybgeli doonaan hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin magac ku leh dunida muslimka iyo adduunyada kale, halka madaxweynuhuna guddoonsiiyey hadiyad ka kooban astaanta qaranka iyo khariidadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.