Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay 34 xubnood oo noqon doona xubnaha guddiyada fulinta KULMIYE ee gobollada Togdheer iyo Gabilay.
Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Biixi oo saxaafadda loo kala diray shalay, waxa lagu sheegay in la magacaabay 17 xubnood oo noqon doona Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer iyo tiro intaas le’eg oo loo magacaabay Gabilay.
“Kadib markii aan shirar iyo wada-tashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddida Fulinta ee Gobolka Togdheer.
Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo manta (shalay) oo bishu tahay June 29, 2016:
1. Xasan Cabdillaahi Axmed – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga KULMIYE
2. Siciid Xaashi Yuusuf – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
3. Jaamac Ibraahim Xirsi – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
4. Cabdillaahi Ibraahim Xujaale – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
5. Baashe Cismaan Xirsi – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
6. Abokor Carab Ileeye – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
7. Nasra Maxamed Yuusuf – in maanta [shalay] laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
8. Ciise Aadan Abokor – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
9. Xasan Maxamuud Maxamed – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgalyada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
10. Jaamac Cabdi Xassan – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Goboka Togdheer.
11. Yuusuf Maxamed Cariish – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
12. Cawil Daahir Cabdille – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
13. Cabdixakiim Axmed koor – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
14. Sahal Muuse Faarax – Xubin
15. Axmed Maxamuud Saleebaan – Xubin
16. Cabdiqani Mahdi Jaamac – Xubin
17. Abokor Bile Isxaaq – Xubin,” ayuu Guddoomiyaha KULMIYE ku yidhi qoraal uu ku magacaabay masuuliyiinta xisbigiisa ee Gobolka Togdheer.
Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay 17 xubnood oo noqon doona xubnaha Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabilay.
“Kadib markii aan shirar iyo wada-tashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddida Fulinta ee Gobolka Gabiley.
Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer Gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley, laga bilaabo maanta (shalay) oo bishu tahay 29 June 2016:
1. Axmed Maxamuud Shirwac – in manta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
2. Buraale Mawliid Aw Abdi – in manta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
3. Mursal Maxamed Odawaa – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
4. Muumin Daahir Kaahin – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
5. Saado Yuusuf Xuseen – in maanta [shalay] laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
6. Cabdi Cali Cilmi – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
7. Cismaan Muxumed Xuseen (Gees) – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda Iyo Nabadgelyada Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
8. Iid Cabdiraxmaan Sh. Cabdillaahi – in maanta [shalay] laga bilaabo uu ahaado Madaxa xidhiidhka Laamaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
9. Nimco Maxamuud Daa’uud – in maanta [shalay] laga bilaabo ay ahaato Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE.
10. Maxamed Xasan Maxamuud (Ina Xasan Canjeex) – Xubin
11. Sh. Mahdi Muxumed Guuleed – Xubin
12. Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye – Xubin
13. Sahra Cabdillahi Sheedaal – Xubin
14. Cabdirisaaq Sh. Aadan Cali – Xubin
15. Cabdisalaan Cumar Warsame – Xubin
16. Buux Maxamed Xaaji Aadan – Xubin
17. Aw Yuusuf Axmed Xasan – Xubin,” ayaa lagu yidhi qoraalka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku magacaabay masuuliyiinta cusub.