Araweelo News Network

Cilmi-baadhayaal kala duwan ayaa sheegay in lacagtu tahay halka ay ka unkamaan waxyaabo badan oo saamayn xun ku yeesha dadka, balse daraasad cusub ayaa badka soo dhigtay haddii ubadku yaraanta ku bartaan lacagta inay ka dhigto kuwo nolosha ka dhaca, mustaqbalkooduna aannu wanaagsanaan.
Sida daraasaddu iftiimisay hab-dhaqanka ubadku waxa uu gebi ahaan isbeddelaa marka ay saddex jirka ku bartaan lacagta xataa muddo yar ha ahaatee, iyagoo laba tijaabo oo ay sameeyeen cilmi-baadhayaashu ku sheegay in ubadka ay ka dhigto danaystayaal aan cid caawin, isla markaana bakhaylo noqda, marka loo eego kuwa aan lacagta yaraanta ku baran.
Tijaabada ugu horraysay waxay ku saabsanayd koox carruur saddex jir ah oo u dhashay dalka Poland ee bariga qaaradda Yurub, kuwaas oo la weydiiyey in ay kala saaraan lacagta iyo waraaqaha laga sameeyo. Dhammaan carruurta waxa la kala geeyey qolal kala duwan, waxaanay saynisyahannadu waydiiyeen inay ka caawiyaan in ay la diyaariyaan alaab loo sii diyaarinayey kooxda kale ee tijaabada la marinayey.
Waxa ay saynisyahannadu ilmo kasta siiyeen kubbad, waydiisteenna in ay u keenaan alaab kasta oo laga doonayey, kuna ridaana saxaarad qolka koonihiisa taallay, waxana natiijadii soo baxday noqotay in ubadkii doortay lacagta ay noqdeen kuwo dhego adag marka loo eegay kuwii waraaqaha la siiyey.
Tijaabada labaad ee la mariyey ubadkan waxa ay ku saabsanayd in ubadka loo kala qaybiyey saddex ilaa lix jir, gaar ahaan carruur Maraykanka ku nool. Bilawgii hore cilmi-baadhayaashu waxay u sheegeen in fasalka waxbarashadu u baahan yahay inuu nadiif ahaado oo laga fogeeyo dhammaan xashiishaka. Waxa kale oo carruurta loo sheegay inay kuraastooda riixaan.
Koox kale oo carruur ah waxa la siiyey seexarad ay ku jirto lacag, waxana loo oggolaaday in ay ku ciyaraan inta ay doonaan, waxana waqtiga loo qabtay si qarsoodi ah inta ay haystaan, kadib cilmi-baadhayaashu waxa ay waydiiyeen carruurta in ay qol kale tagaan, waxaana la eegay bal in uu nadiif u ahaado sidii looga codsaday.
Waxa soo baxday tijaabooyinkaas kala duwan in ubadku lacagta marka la siiyo ay noqdaan bakhaylo, kuwo aan hawl qaban amma dadka caawin oo dhego adkaada.
“Carruurta in badan ku ciyaarta lacagta waxa ay noqdeen danaystayaal, dadka aan caawin, isla markaana aan faxalliin ahayn. Waxa ay noqdeen kuwo aan cid maqal oo qolkii nadiiftiisa may ilaalin, waanay ka dhego adaygeen in alaabtii lagu armay in ay ubadka kale u sii diyaariyaan sideeda u hagaajiyaan. Waxa kaloo ay ka fikireen inay iyagu helaan faa’iido oo kaliya, maadaama ay diideen in qalabkii lagu ciyaarayey siiyaan carruurta kale,” ayaa ka mid ah warbixinta cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro kala duwan oo jaamacado kala duwan oo Yurub ah ka kala socotay.