Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka codsaday Vladimir Putin Inuu La Kulmo

Millateriga Ruushka Oo Toddoba Magaalo Si Kulul U Xoojiyay Duqaymaha Maalintii Siddeedaad Ee Dagaalka

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)- Dagaalka Ukrain oo galay maalintii siddeedaad ayaa si weyn u xooggaysatay, Millateriga Ruushka ayaa la wareegay gebi ahaanba maanta magaalada muhiimka ah ee Kherson ee koonfurta Ukraine oo ah magaalo istiraatiiji ah.

Hase yeeshee saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa si kale u sheegay, iyadoo xaaladda dagaalku galay toddobaadkii labaad, kaddib markii Millateriga Ruushku 24 February 2022, weerar cirka, dhulka iyo Badda kaga ekeeyeen dalka Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine: Xaaladda Cakiran Ee Dagaalka Maalintii Toddobaad Galay

 Qabsashada magaalada muhiimka ah ee Kherson, ayaa noqonay magaaladii ugu weynayd ee si dhab ah ugu gacan gashay ciidamadda Ruushka, iyagoo sidoo kale magaalooyinka Mariupol, Kharkiv, caasimadda Ukraine Kyiv iyo magaalooyin kale si weyn u garaaceen 48kii sacadood ee u danbeeyay.

Ciidamadda Ruushka ayaa ku sugan dekedda Kherson ee Badda Madow, taas oo qabsashadeedu ahmiyad weyn u leedahay dagaalka.

Dhismayaasha Madaaficda iyo gantaalaha lagu garaacay ee Magaalooyinka Ukraine oo malintii siddeedaad ciidamadda ruushku duqaynaayan, Image, 2 March 2022 Araweelo News Network.

 Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay warbaahinta in ciidamadda Ruushka ay hadda gacanta ku hayaan dhismaha maamulka Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv.

Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in dekedda muhiimka ah ee koonfurta Mariupol ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Ruushka, taas oo u dhow in ay gacanta ku dhigaan.

Dhanka kale, kolonyo badan oo Ruushku leeyahay oo taangiyo ah iyo gaadiid kale ayaa u muuqda inay ku xayiran yihiin meel 30 KM ka baxsan caasimadda Kyiv. Ilaha difaaca ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegaya in kolonyada ay sameeyeen horumar aan la arki karin saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Weerarrada dhinaca Cirka, Badda iyo Dhulka ayaa si weyn ay u xoojiyeen ciidamadda Ruushku, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

 weerar culus lagu qaaday Horumarkii ugu dambeeyay, bakhaar shidaal oo ku yaalla magaalada Chernihiv ee Woqooyiga Ukraine waxay waajahday duqaymihii ugu cuslaa maanta, waxaana la gubay Kayd weyn oo shidaal oo ku yaalla magaalada Chernihiv, kaddib markii dab qabsaday sababay in qiiq madaw iyo holloc hawada isku shareeray, waxaana la sheegayaa in dabkaasi kacay kaddib markii Ruushka uu duqeymo ka geystay maalintii 8-aad ee duulaanka ku waajahan Ukraine.

Magaalada Chernihiv waxa mara wabiga Desna oo ah Webi ku yaal Ruushka iyo Ukraine, oo ah qayb weyn oo bidix ka ah webiga Dnieper.

Inta baddan magaalooyinka, waxa gabaabsi ku ah cuntada , Biyaha iyo saadka, iyadoo qaarkood la sheegayo in ay ka maqan yihiin Laydhka iyo Internetku.

Dagaalka ayaa sababay qoxooti ka badan hal milyan oo u dhashay Ukraine in ay u qaxaan dalalka Yurub, kuwaas oo wadamada reer galbeedku aad uga werwersan yihiin.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka codsaday Vladimir Putin inuu la kulmo kaddib markii ay dib u bilowdeen wadahadalada nabada, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Vlodymyr Zelenskyy dadka ku booriyay inay sii wadaan iska caabintooda, balse Ruushka ayaa kordhiyay weerarrada uu ku hayo magaalooyinka waaweyn.

Dhinaca kale, Dagaalyahan mutadawaciin ah oo u dhashay dhawr dal, ayaa qayb ka noqday baaqa qaylodhaanta ee Ukraine dunida kaga dalbatay dagaalyahan mutadawaciin ah oo ka difaaca ciidamada Ruushka.

Alt:Araweelo News
Boqolaal Gaadiid ah oo lagaga tegey wadada dadka Xadka gakbeedka Ukraine ee xadka Poland Image Araweelo News 3 March 2022

Kooxda mutadawiciinta caalamiga ah oo ay dalbatay Ukraine, ayaa kusoo waajahan dalkaa.

70 nin oo u dhashay dalka Japan ayaa ka jawaabay baaqa Ukraine ee ahaa in mutadawiciin ajaanib ah ay la dagaalamaan ciidamada Ruushka, balse dawladda Japan, waxay uga digtay dadkeeda in ay u safraan Ukraine.

Dagaalka, ayaa galay maalintii siddeed oo ciidamadda ruushku garaacayaan goobo muhiim ah, waxayna maanta garaaceen si darandoori ah weerraro culus ilaa siddeed nagaalo, taas oo sababtay in ay gacanta u galaan dekeddaha dhinaka Koonfurta Uktraine  ee Istiraatiijiga ah.

Hanjabaadaha iyo canbaaraynta ayaa noqday kuwo daqiiqad walba soo baxaya, iyadoo hubka iyo saannada Millateri lagu daabulayo gobolka, isla markaana dagaalka ayaa sababay in qoxooti gaadhaya dhawr Milyan ka qaxaan Ukraine, waxaana laga cabsi qabaa inuu noqodo dagaalkii ugu xumaa ee sababa khasaare baaxad leh iyo qoxooti, wixii ka danbeeyay dagaalkii koowaad ee aduunka.

Sidoo kale, dagaalka ayaa si weyn u liiciyay saamiyada suuqyada caalamka, iyadoo xulufada NATO cunaqabatayno ay ka ah dagaalka oo dhinaca dhaqaalaha ah lagu soo roggay ruushka, waxayna tallaabooyinka iyo dhawaayadu marba marka ka danbaysa sii holcinayaan xiisadda dagaalka oo hadda baaxadiisu gobolka ku fiday.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com