Araweelo News Network.

Ukraine(ANN)-Dagaalka Ruushku ka wado guddaha dalka Ukraine, ayaa galay maalintiisii 100-aad, Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa sheegay inuu rajaynayo in saaxiibada reer galbeedka ay u soo diraan hub hor leh si ay u difaacaan dalkiisa.

Markii dagaalku billowday, Putin wuxuu higsanayay guul degdeg ah, balse markii uu guddaha u galay Caasiamdda Kyiv iyo magaalooyin kale, wuxuu mariiiba ku khasbanaaday  Ruushku inuu ka baxo, isagoo doonayay inuu dib u abaabulo  ciidamaddisa si uu diiradda saaro weeraradiisa dhinaca Bariga ee Ukraien.

Xilligaa fulaacadii hore ee duullaanka Ruushka, waxa guddah Ruushka ka billowday dibadbaxyo ka dhan ah dagaalka, laakiin xilligan codadkani waxay u muuqdaan kuwo aamusan, waxayna inta baddan dadka Ruushku qaateen in sida Madaxweynahooda Putin sheegay iyaga lagu soo duulay oo aannay jirin dariiq kale oo u bannaan, sidaa awgeed duullaanku yahay mid aharaftooda iyo jiritaankooda ay ku difaacayan dal ahaan dad ahaan.

Wallow aan dafiri karin guullaha dagaalka ee Ruushka iyo sida ay dunnidu ugu qaylisay, iyagoo ruushku xilligan maamulo gebi ahaanba 90% xeebbaha badda madaw iyo dhulka Isitraatiijiga ah ee Bariga Ukraine , isla markaana ay weli ciidamaddiisu sii wadaan dagaalka, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay magaaladda istiraatiiga ah ee Warshedlayda ah ee Sievierodonetsk.

Warbaahinta reer galbeedka oo qayb ka ah dagaalka, isla markaana iyaga dalalkoodu si toos ah ula safteen Ukraine, ayaa shaacinayay warar u baddan borobagaando qayb ka ah dagaalka, waxaana soo baxday hadal hayn badan oo ku saabsan caafimaadka Putin bilihii la soo dhaafay, warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegay in warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in laga yaabo inuu qabo kansar ama cudurka Parkinson. Lakiin sheekooyinkaa ah kuwo xan iyo borobagaando oo keliya u muuqda oo aannay jirin cid xaqiijin kartaa, sidaa awgeed aannay shebekaddaha Araweelo News Network dhankooda xaqiijin karin sheekooyinkaa.

Todobaadyadii la soo dhaafay, Ruushku waxa uu ciidankooda ka dhisay xadka uu la wadaago Ukraine. Qiyaastii 100,000 oo askari ayaa ku urursan xuduudka, iyadoo ilaa 20,000 la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow Donetsk iyo “Jamhuuriyada Luhansk”.oo ay gebi ahanba la wareegeen millateriga Ruushku.

Dhinaca kale, Millateriga Ukraine ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay fadhiisimo ku leeyihiin bariga magaalada Sievierodonetsk ay sii haystaan, wallow ay sheegeen in dagaalku uu weli ka socdo magaalada istiraatiijiga ah ee muhiimka ah. Laakiin sheegashooyinka ayaan ahayn kuwo Araweelo News Network xaqiijinkarto, maadaama hore loo xaqiijiyay in magaalada Sievierodonets gebi ahaanba u gacan gashay ciidamadda Ruushka maalmihii ina dhaafay.

Qoraal ay soo dhigeen Facebook ayay shaqaallaha guud ee Ukraine ku sheegeen in ciidamadda Ruushka ay sii wadayaan duqaymaha ay ku hayaan fadhiisimaha Ukraine ay ku leeyihiin magaalada.

 Shaqaalaha guud ee Ukraine, ayaa sidoo kale sheegay in duqaymo dhanka cirka ah lagu qaaday tuulada Myrna Dolyna ayna fashilmeen isku dayo ay ku doonayeen in ay ku soo qaadaan laba deegaan oo u dhow.

Hoggaanka Millateriga iteriga ayaa sheegay in sidoo kale uu jiray isku daygii lagu doonayay in Sievierodonetsk laga gooyo khadadka saadka, laakiin waxay sheegeen in lagu guuldareystay wallow aannay sheegashooyinkaasi ahayn kuwo Araweelo News Network xaqiijinkarto.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca ee UK, ayaa ka hadashay duulaanka Ruushka ee Ukraine ee gaadhay 100 maalmood, iyadoo UK tilmaantay hadafkii ay Moscow ka lahayd dagaalka oo ay sheegtay in aannay weli gaadhin.

Warbixin maalinle ah oo ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Britain, ayaa lagu yidhi, “Ciidamadda Ruushku waxay ku guuldaraysteen inay gaadhaan ujeeddooyinkoodii ugu horreeyay ee ahaa inay qabsadaan Kyiv iyo xarumaha dawladda ee Ukraine,”

Wasaaradda Difaaca UK ayaa qortay, iyada oo giuullaha Ruushka hoos u dhigay, “qorshe been abuur ah iyo fulinta xeelad xumo.” Ciidamada Ruushka ayaa guulo dheeraad ah ka gaadhaya gobolka Donbas ee bariga Ukraine, qeyb ka mid ah dalkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine tan iyo sanadkii 2014.

Si kastaba ha ahaatee, guulahaas, gaar ahaan gobolka Luhansk ee gobolka Donbas, ayaa yimi, iyadoo ciidamadda ruushku ay qabsadeen. “Kharashka kheyraadka ee muhiimka ah” kaas oo ka hor istaagay ciidamada Ruushka inay ka dhaliyaan dardar kale. Dagaalka Ukraine ayaa sii socon doona in muddo ah haddii Kremlin-ku doonayo in uu gaadho himilooyinkiisa, ayay tidhi, Wasaaradda Difaaca UK.

Dhinaca kale, muuqaal fiidiyoow ah oo uu habeen walba uu jeedinayo, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu sheegay in dagaalku uu yahay mid bahalnimo, isla markanaa uu weli ka socdo gobolka Donbas ee bariga Ukraine, gaar ahaan agagaarka magaalada Sievierodonetsk.

“Waa meesha ugu adag hadda,” ayuu yidhi. “Guud ahaan dhulka si ku meel gaadhka ah loo haysto ee dawladeenu hadda waa aag masiibo ah oo dhamaystiran, kaas oo Ruushku si buuxda u saaran yahay mas’uuliyad buuxda.

“muddad dheer ee dagaalku sii socdo, waxyaabo aad u xun, ceeb iyo xishood leh oo Ruushku waligiis ku qorayo taariikhdiisa,” ayuu yidhi. Zelenskyy oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadceliyey Maraykanka sida ay u aqbaleen in ay u soo diraan hub casri ah oo gantaalo ah “Hubkani runtii waxa uu badbaadin karaa nolosha dadkeena oo uu difaaci karaa dhulkeena” ayuu yidhi Zelenskyy,

Ukraine waxa ay rajaynaysaa in ay ka hesho hub dagaal oo casri ah Wadamo kale oo ay xuseen sida Sweden oo ku dhawaaqday Khamiista in ay soo dirayso xidhmo cusub oo gargaar millateri ah, Horaantii todobaadkan, Jarmalku waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in uu hub dheeraad ah u diri doono Ukraine. Laakiin balanqaadyada dalalka reer galbeedka waxa hadheeyay walac kaga imanaya hanjabaada Ruushka iyo xiisaddo ka jira guddaha wadamadaa oo dooddo ka dhalsiay hubka ay dalalkaasi u dirayaan Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com