TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Jun 4th, 2022

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Daah-furay Shir Caalami Ah Oo Amniga Iyo Dawladnimada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN))- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay shir caalami ah oo lagu lafo-gurayo, nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyay  machadka weyn ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka qaybgelaya shirka arrimaha Amniga iyo dawladnimada ee ka furmay Hargeysa 4 Jun 2022.

Shirkan oo diiradda lagu saaray Amniga iyo dawlad-dhiska, kana mid ah barnaamijka caanka ah ee African Security Dialogue, laguna casuumo waddamada Afrika ee muhiimka  u ah arrimaha amniga, islamarkaana  ay ka qaybgaleen aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baadheyaal, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimi  ugu yaraan 17 (Toddoba iyo toban) waddan,  ayaa muddada uu socdo lagu faaqidi doonaa arrimaha muhiim ah u amniga.

Ugu horrayn madaxa machadka shirkan qabanqaabadiisa leh, Dr. Greg Mills oo halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka ku tilmaamay inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa soo dhaweeyey in shirkan lagu qabto gudaha Somaliland, waxana uu caddeeyey inay taasi caddaynayso xasilloonida iyo amniga ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u tahay bogcad dunidu ku qabto kalsooni buuxda oo dhinac kasta ah.

daxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin oo ka qaybgelay shirka arrimaha Amniga iyo dawladnimada ee ka furmay Hargeysa 4 Jun 2022.

Jidkii dheeraa ee ay Jamhuuriyadda Somaliland usoo  martay qarannimadeeda, sidii ay uga soo gudubtay caqabadihii badnaa ee ku gedaannaa, hannaankii ay u xallisay  khilaafyadii kala duwanaa ee Beelaha iyo habka ay qaran buuxa oo nabadgelyo iyo xasillooni buuxda haysta, ayuu madaxweynuhu u sharraxay khubaradii caalamiga ahayd ee shirka ku sugnayd, waxana uu sheegay inay Somaliland mudan tahay in laga barto cashar la xidhiidha amniga iyo dawlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse waxa uu sharraxay qiimaha ay leedahay nabadda iyo xasilloonida ay dadka deegaanku gacmahooda ku abuurtaan iyo sida ay horumarka loogu gaadho, waxana uu yidhi,“Nabaddu waa Aas-aaska qaran dhiska iyo horumarka, xasilloonida iyo amniga aad gacantaada ku samaysato ee aad halka ugu hoosaysa kasoo bilowdaa waxa uu ka wanaagsan yahay midda dunida kale kuusoo waariddo.”

Madaxweynuhu waxa  si cad u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay dunida wax la qaybsato, iskaashi buuxana la yeelato cid kasta oo ay isku dan noqdaan, islamarkaana ay sii wadi doonto adkaynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee ay ku hawllan tahay.

Alt: Araweelo News Network
daxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka qaybgelaya shirka arrimaha Amniga iyo dawladnimada ee ka furmay Hargeysa 4 Jun 2022.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalalka Geeska Afrika, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u ah fursad weyn oo ay ku muujinayso qaangaadhnimo dawladeed, is-kaashi caalami ah iyo kasbashada saaxiibbo cusubba, shirkan iyo kuwo ka waaweyna in lagu qabto u diyaarsan tahay.

Gebogebadii shirka, waxa uu madaxweynaha qaranku Jawaabo waafi ah ka bixiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan sida uu ku yimi amniga Somaliland iyo Dimuqraaddiyadda hanaqaadka ah ee ay sababtay inay madaxweyneyaal badani xilka isugu wareejiyaan hannaan nabadgelyo ah oo aanay la qabin dalalka kale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxa shirka ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku-simaha wasiirka, wasiirradda wasaaradaha, horumarinta maaliyadda, Arrimaha gudaha, Warfaafin iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>