Araweelo News Network.

 

Kyiv (ANN)-Ruushka ayaa riday in ka badan 70 gantaal Jimcihii, kuwaas oo lala beegsaday kaabayaasha Biyaha iyo korantada ee Ukraine, taas oo keentay dib u dhiska dalka oo dhan oo jaray kulaylka.

Duulaanka duqaymaha, ayaa ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee soo mara Ukraine tan iyo markii uu Ruushka galay duulaankii 24 February 2022.

Duqeymo ka dhacay koonfurta Ruushka ayaa waxaa ku dhintay Gudoomiyihii Belgorod, waxaana ku dhaawacmay siddeed qof oo kale,

Weerarrada u danbeeyay ee duqaynta, ayaa ka dhacday gobolka Koonfurta Ruushka ee Belgorod sida ay shaacisay warbaahinta Deutsche Welle, oo soo xiganaysay guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov.

 

Belgorod waxay ku taal meel u dhow xudduudda Ukraine.”Nidaamkeena difaaca Hawada waxaa laga hawl galiyay Belgorod iyo gobolka Belgorod,” ayuu yidhi, Gladkov.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ka baddan 12 dhismayaal la deganyahay iyo dhowr baabuur ay waxyeelo soo gaadhay guud ahaan xarunta gobolka.

 

Gobolka ayaa dhowr jeer hore la duqeeyay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Moscow ee Ukraine. Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in laga dhisayo dhufaysyo ku dhow xadka, sidoo kale, wuxuu xsay in la sameeyo cutubyo isdifaac ah.

Kulayliyaha ayaa si buuxda loogu soo celiyay Kyiv oo qabowgu marayo meel aad u hoosaysa. Iyada oo heerkulku Kyiv iyo meelaha kale ee Ukraine uu ka hoos maray baraf subaxnimadii Axadda, wax- xoogaa nasasho ah ayaa u muuqday dadka deegaanka.

 

Vitali Klitschko, oo ah duqa caasimadda Ukraine, ayaa sheegay in kuleyliyaha magaalada dib loo soo celiyay ka ddib duqeyn weyn oo Ruushka uu geystay.

 

“Magaaladu waxay soo celinaysaa dhammaan adeegyadii kaddib duqeyntii ugu dambeysay,” Klitschko ayaa sidaa ku tidhi, fariimaha Telegram.

 

“Gaar ahaan, nidaamka sahayda kulaylka caasimadda ayaa si buuxda loo soo celiyay. Dhammaan ilaha sahayda kulaylku waxay u shaqeeyaan si caadi ah.”ayay raacisay.

 

Ruushka ayaa duqeeyay badhtamaha magaalada Kherson

 

Ukraine ayaa sheegtay in Ruushka uu duqeeyay koonfurta magaalada Kherson oo bishii hore laga qabsaday ciidamada Moscow.

 

“Dharbaaxo kale ayaa lagu gaarsiiyey bartamaha magaalada,” , sidaana waxa laga soo weriyay ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha Kyrylo Tymoshenko, isagoo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada sidaa ku sheegay.

 

Waxa uu intaa ku daray in saddex qof ay ku dhaawacmeen weeraradii ka dhacay magaalada.

 

Badhasaabka gobolka ayaa sheegay in 54 weerar oo Ruushku ay ku garaaceen gobolka ballaadhan ee Kherson madaafiic, gantaallo, Taangiyo iyo Hoobiyayaal maalintii hore, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen.

 

In kasta oo ay ka baxeen, millateriga Ruushka ayaa Kherson kula kacay duqaymo joogto ah ku hayaan, waxaana la jaray awoodda magaalada horaantii toddobaadkan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo Ku Baaqay Nabad

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa soo jeediyay in la qabto shir madaxeedka nabadda adduunka inta lagu jiro xilliga qaboobaha.

 

 

Telefishinka CNN, oo soo  xiganaya  fariinta muuqaalka ah ee Zelenskyy, ayaa sheegay inuu ka codsaday FIFA inay baahiso fariinta ka hor finalka Koobka Adduunka.

 

“Waxaan u bandhignay Qaanuunka Nabadda Adduunka, gabi ahaanba mid cadaalad ah, sababtoo ah ma jiraan wax horyaal ah oo dagaal ah, ma jiri karo barbaro,” ayuu yidhi, Zelenskyy.

 

Dhankiisa, Lataliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray, “ in FIFA ay muujinayso faham la’aanta masiibada uu xidhiidhka Ruushka ku jiidi doono aduunka, isagoo bilaabaya dagaal Ukraine.”

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Ruushka Oo La Kulmay Askarta Jiida Hore

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Ruushka, Shoigu , ayaa kormeeray ciidamada ‘jiida hore’, sidaana waxa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca.

 

“Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa kormeeray ciidamada ku lugta leh howlgallada la xidhiidhka Ukraine, sida ay wasaaraddiisu sheegtay.

 

“Safar shaqo ayuu ku tagey Wasiirku, Degmadda Millateri ee Koonfurta, waxaana uu soo kormeeray Ciidamada ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada gaarka ah ee Milliteriga,” sidaa ayaa lagu yidhi, Bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in Shoigu uu la kulmay askarta  jiida hore, wuxuuna warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidamada ee ku sugan goobta taliska. Balse Bayaanka laguma sheegin in Shoigu booqday Ukraine iyo in kale.

 

Muuqaal ay soo bandhigtay wasaaradda ayaa muujinayay wasiirka oo saaran diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee Millateriga Ruushka.

 Wasaaradda Difaaca Britain

Hase yeeshee, Wasaaradda Difaaca Britain ayaa Axaddii shaki ka muujisay dadaallada Millateri ee Ruushka, kuwaas oo ay ku tilmaantay  uu ku doonayo inuu niyadda ugu kordhiyo ciidamadiisa safka hore ee Ukraine isagoo u soo diray  sida ay sheegtay guutooyin hal abuur leh.

 

Warbixinta  sirdoonka ee ay faafisay Wasaaradda Difaaca UK ayaa sheegtay in Moscow ay qorsheynayso inay soo dirto labo guuto oo ay ku tilmaantay mid madadaalo ah. Balse Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in kooxaha ay ka mid noqon doonaan fanaaniin ku wareegaya goobaha iyo jilayaal u dhashay Ruushka.

 

Sawir laga soo qaaday guutada oo ay daabacday warbaahinta dowladda Ruushka ayaa muujinayay cayaaryahan ku lebisan dirayska Millateriga Ruushka oo laadaya dhowr kubbadood.

 

Inkasta oo, Wasaaradda Difaaca Ingiriiska  xustay in askarta Ruushku ay hadda wajahayaan hoggaan xumo, rasaas iyo qalab la’aan iyo dhibaatooyin ay sheegeen inay dhanka mushaharka yihiin.

 

“Niyadda jilicsan ayaa hubaal ah inay sii ahaanayso nuglaanta weyn ee inta badan ciidamada Ruushka, Dadaalka guutooyinka hal-abuurka uma badna inay si wax ku ool ah u yareeyaan walaacyadan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Britain.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com